War-Murtiyeed: Xisbiga Ummadda oo ku baaqay in Golaha fulinta iyo Golaha shacabka kala Madax bannaa-naadaan

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

War-Murtiyeed: Xisbiga Ummadda oo ku baaqay in Golaha fulinta iyo Golaha shacabka kala Madax bannaa-naadaan

October 8, 2018| Arlaadi Online

Image result for conflict of interest

Xildhibaanada Wasiirada ah oo la soo jeediyay in aanay cod ku lahaan BF!!

Xisbiga Ummadda wuxuu ugu baaqayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in Laanta fulinta iyo Golaha shacabka kala Madaxbannaanaadaan.

Wasiirada oo ka mid noqda Golaha Shacabka waxay keenaysa laba arrimood oo kala ah: 

1- Wasiirada oo ka mashquula ama waqti u waaya shaqada loo xil saaray ee wasaarada ay madaxda ka yihiin, waa ay adag tahay in hal qof uu wada guto waajibaadka labada masuuliyadood ee Xildhibaanimo iyo Wasiirnimo.

2- Isla xisaabtanka oo meesha ka baxa mar hadii ay wasiiradu yihiin xildhibaano taasoo ah (Conflict of Interest). Waa mida keentay hoos u dhaca kalsoonida ay shacabku ku qabaan Golaha Wasiirada.

Sidaas darteed Xisbiga Ummadda wuxuu ku talinayaa in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka oo la kala Madax banneeyo labada Ha’yadood.

Waa in laga faaideeysto khibradaha iyo taariikhda. Dalka Aan dariska nahay ee Kenya ayaa horey ugu guul dareystay wasiirada oo ka mid noqda Golaha Shacabka sida ka muuqata qoraalka hoose.

In Kenya, cabinet secretaries are supposed to eschew politics like a plague and devote all their time and energies to carrying out their assigned roles. Read more: A Cabinet Secretary shall not be a Member of Parliament.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Ahmed Nuur Arlaadi

Sii Hayaha Xisbiga Ummadda

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *