War-saxaafadeed| Xisbiga Ummadda oo soo dhaweeyay go’aankii DFS ee khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

War-saxaafadeed| Xisbiga Ummadda oo soo dhaweeyay go’aankii DFS ee khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

February 18, 2019| Arlaadi Online

 

Image result for peoples partyImage result for somali flag

 

Xisbig Ummadda wuxuu maanta oo taariikhdu tahay February 18, 2019 War-saxaafadeed ka soo saaray Khilaafka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xisbiga Ummadda waxay taageereen Mowqifka caqli-galka ah ee ay Dowlada Federaalka ka qaadatay Khilaafka Diplomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowlada Kenya.

Xisbiga Ummadda wuxuu ku baaqayaa in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dhowro Xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya, oo ah mid ku dhisan saaxiibtinimo iyo Derisnimo soo-jireen ah.

Xisbiga Ummadda wuxuu kale oo ku baaqayaa in Khilaafka jira lagu xaliyo wada hadal iyo degganaan, lana sii xoojiyo xiriirka dheer ee u dhaxeeya labada Waddan iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn Xisbiga Ummaada wuxuu ku talinaya in Dowlada Federaalka ay xooga saarto dib-u-heshisiin dhab ah oo ka dhacda dalka, si loo helo Dad iyo Dal Mideeysan. Marka la helo Dad Mideeysan ayaa la heli karaa Dowlad xoog leh oo difaaci karta danaha Qaranka Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Mahadsanidiin,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Guddoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *