Warsaxaafadeed| Hambalyo Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May. Xisbiga Ummadda

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Warsaxaafadeed| Hambalyo Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May. Xisbiga Ummadda

May 15, 2019| Arlaadi Online

Image result for peoples partyImage result for somali flag

 

Xuska halgankii SYL iyo dib-usoo nooleynta Qaranimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda Mudane Axmed Nuur Arlaadi, ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabada 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabada Xuska ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED. Maanta oo kale 15-ka May oo ku began Asaas kii  Ururkii Gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL “Somali Youth League” waxaan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa xusuusta maalintaas taarikhiga ah waxaan Alle uga baryaaya 13- kii dhalinyaro ee ururkaas asaastay iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay halgankii gobonimadoonka intii dhimatay inuu Alle u naxariisto inta kale ee nool ee halgankaas ka qeyb qaatayna uu caafimaad siiyo

Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro Alle ha u wada naxariisto waxay kala ahaayeen:

1.Yaasiin Xaaji Cusmaan
2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin
3.Cusmaan Geddi Raage
4.Maxamad Faarax Hilowle
5.Maxamad Cusmaan
6.Maxamad Xirsi Nuur
7.Daahir Xaaji Cusmaan
8.Xaaji Maxamad Xusseen
9.Cali Xassan Maslax
10.Maxamad Cabdulle Xassan
11.Maxamad Cali Nuur
12.Dheere Xaaji Dheere
13.Khaliif Hudda macalin

Daawo: Warbixin Taariikheed SYL ku saabsan

Walaayaal Xoriyaddii Ummadda Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay, isla markaasna halgamayaal fara badani ay maalkooda iyo naftooda u hureen, si Ummadda Soomaaliyeed ay u helaan xornimo buuxda uguna nolaadan sharaf iyo xoriyad.

Sida aad wada ogtihiin SYL waxaa dhidibada loo taagay 15-kii May sanadii 1943, waxa assaasayaashii ururukii SYL hormuud u noqdeen halgan hal u jeedo leh oo weliba daacadnimo ku dhisan kaaso aha in dalku uu ka xoroobo gumeestayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, Soomaaliyana ay noqoto dal xor ah.

Hadaba taariikhdaas waxaa ku sugan cibro qaadasho ah in waxaa maanta loo baahnayahay ay tahay sidaas oo kale halgan daacad nimo ku dhisan oo ujedadisu tahay in la helo dal xor ah si loo soo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed, ummadda Soomaaliyeedna ay ugu nolaadan sharaf iyo nabad lagu gaaro xasilooni, deganaan iyo horumar, wixiii ntaas ka baxsan oo ah in la gaaro dano gaar ah ama la helo kuraas iyo jagooyin laguma guuleysto wuxuuna ku dhamaada fashil. Mar kale waxaan maalintaas xusuusta taarikheed wadata u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed qaranimo, dowladnimo buuxda, nabad iyo horumar.

Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed wuxuu Hambalyo u dirayaa dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdho meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibad. 

Ha guuleystaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *