Waxaa haboon oo weliba waajib ah in la helo 2 sifo si ay Soomaaliya u ilaashato khayraadka dalkeeda. Dr. Sulub

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Waxaa haboon oo weliba waajib ah in la helo 2 sifo si ay Soomaaliya u ilaashato khayraadka dalkeeda. Dr. Sulub

Image result for soma oil and gas

Axad May 28, 2017| Arlaadi Online 

Doodda ku saabsan sharikadda Soma Oil & Gas iyo guud ahaaan sharikad kasta oo doonaysa in ay heshiis la galaan dawladda Soomaaliyeed iyo mid kaloo imaan doonta mustaqbalka waxaa haboon oo weliba waajib ah in la helo 2 sifo:

1. Hoggaamiyayaal daacad ah (honest leaders)

2. oo leh aqoon ku filan (knowledgeable leaders).

Haddaan hoggaamiyayaasha maantay ama kuwa berri daacad noqon, waxaa ka faaiidaysanaya sharikado iyo dawlado shisheeye ah iyo in yar oo madax ah ama madaxda ku xiran. tusaale ahaan, dawladaha  afrika ee ka hoosaysa sub-sahar (afrikada madoow) batroolkoodii iyo gaaskoodii kama saarin saboolnimo.

Waayo waxaa iska daldasha ummada kale madaxda afrikana waa la laaluushaa. Haddaad faahfaahin u baantahay aqri buugg nin ingiriis ahi qoray oo la yiraahdo the Poisonous Wells of Africa. Su’aashu waxa weeye: immisay daacadnimada madaxdeennu le’egtahay?

Hadday daacnimo eebbe ka cabsi ku filan leeyihiin ha bilaabeen hawsha.

Heshiis dhab ah oo xeer laga dejiyo oo dhexmara dawladda federaallka, dawlad goboleeyadu waa muhim si aan laysugu qabsan khayraad qaybsiga.

Inta ayan madaxdu heshiis la gelin sharikad ama dawlad in ay aqoon buuxda u leedahay.

          a. shuruucada ku saabsan batrool soo saaridda

          b.  dad ama sharikado khibrad u leh heshiisyada ku saabsan batrool soo saaridda

                oo la adeegsado

          c.  in la adeegsado sharikado ama ashkhaas khibrad iyo aqoon u leh gorgortanka si soomaalidu u hesho xisada ugu badan ee ay helikarto–boqolkiiba intee heli kartaa     soomaaliya– (the highest percent).

          d.  goormay Soomaalidu yeelanaysaa boqolkiiba boqol (100% )?

          e. Taariikhda sharikadaha batroolka iyo gaaska soo saara iyo hufnaantooda. waayo, waxaa jira kuwo biiadda dhib u gaysta oo nooluhu (dad, xayawaan, iyo dhir) khatar weeyn galaan..

          f.  In la adeegsado hayad ama sharikad aqoon u leh ilaalinta biiadda.

          g.  In la tixgeliyo dawladaha ay sharikaadku ka soo jeedaan sii uusan u dhicisoobin soo saarka batroolka, gaska, iyo khayraadka kale.

W/Q. Dr. Abdurahman Ahmed Noor “Sulub

Dr. Sulub wuxuu ahaa Aqoonyahankii ugu horeeyay ee talooyin wax ku ool ah siiyay Madaxweyne Farmaajo markii la doortay saacado ka dib ayaan ka qaaday waraysiga hoose.

Somalitalk: Waraysi Dr. Sulub oo talooyin muhim ah usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Shacabka

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *