Waxyaabaha la isku mari la’ yahay ee uu ku burburi karo Shirka Garoowe + Xaaf oo garab ka helaya Deni iyo Madoobe oo caqabad ku noqday damaca Farmaajo iyo Khayre ee doorashada 2020-ka

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Waxyaabaha la isku mari la’ yahay ee uu ku burburi karo Shirka Garoowe + Xaaf oo garab ka helaya Deni iyo Madoobe oo caqabad ku noqday damaca Farmaajo iyo Khayre ee doorashada 2020-ka

May 9, 2019| Arlaadi Online

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in Caqabada ugu adag ee shirka hortaal ay noqotay mudo xileedka Madaxweynaha Galmudug Xaaf. Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre ayaa sida la sheegay ku dadaalaya inuu Xaaf ka dego xilka ka hor doorashada 2020-ka si ay u helaan Madaxweyne nacamle u ah oo ka shaqeeya danahooda gaarka una soo xula doorashada soo socota xildhibaano daacad u ah, isla markaana meesha looga saaro xildhibaanada Galmudug ee Mucaaradka ku ah Xukuumada Nabad iyo Nolol ee ay ka midka yihiin Axmed Fiqi iyo Mahad Salaad.

Cabsida ay Madaxda Xukuumada Nabad iyo Nolol ka qabaan xildhibaanada Galmudug ayaa kala muhiimsan guul laga gaaro shirka. Halka hoose ka dhageyso wararkii ugu dambeeyay ee shirka Garoowe.

Codka: BBC Somali

Faalada: Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *