XISBIGA UMMADDA | War Saxaafadeed : Is Casilaaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan 

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

XISBIGA UMMADDA | War Saxaafadeed : Is Casilaaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan 

November 7, 2018| Arlaadi Online

Image result for people's party

XISBIGA UMMADDA waxaa uu soo dhaweynayaa Go’aanka iyo talaabada nabadeed ee uu qaatay Madaxweynihiii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu isku casilay maanta oo taariikhdu tahay November 7/2018. Waxaan leenahay waa talaabo loo baahnaa oo soo dhaweyn mudan.

XISBIGA UMMADDA Waxaa uu ugu baaqayaa Murashixiinta Maxdatinimo ee Koonfur galbeed ina laga wada shaqeeyo Midnimada, Nabada iyo sidii ay ku dhici lahayd doorasho xaq ah oo xalaal ah.

XISBIGA UMMADDA wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadka Koonfur galbeed in laga wada shaqeeyo nabad galyada iyo xasiloonida deegaanka.

XISBIGA UMMADDA Waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan kooxaha Faragelinta ku haya doorashada Maamulka inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Koonfur galbeed.

Ugu dambeyn Xisbiga Ummadda wuxuu ugu baaqayaa Madaxda dowlada Federaalka inaan la siyaasadeeyn masiirka dadka Koonfur galbeed.

Cadaalad, Midnimo, Nabad, Dowlad wanaag, Barwaaqo iyo Horumar Alle ha ugu deeqo Soomaaliya. Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *