Xog hoose: Socdaalkii Madaxweyne Deni ee dalka Itoobiya + Canal-kii uu Farmaajo sheegay inuu xiray oo weli furan. Waxba isma baddelin. Shalay Tigree iyo Zenawi, Maanta Abiy iyo Oromo

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Xog hoose: Socdaalkii Madaxweyne Deni ee dalka Itoobiya + Canal-kii uu Farmaajo sheegay inuu xiray oo weli furan. Waxba isma baddelin. Shalay Tigree iyo Zenawi, Maanta Abiy iyo Oromo

May 29, 2019| Arlaadi Online

Image result for Xog hoose: Socdaalkii madaxweyne Deni ee dalka Itoobiya

 

Hal usbuuc Waxaa Dalka Ethiopia ku sugnaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Kahor inta uusan Adis Abeba tagin Waxaa uu Shir la galay Madaxweyne Cagjar oo ah Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Waxaa aay ka wadda hadleen xoojinta Xiriirka Labbadda Dowlad Goboleed, Furitaanka Kastamka Tuur-Dibbi iyo Arimaha amaanka.

Madaxweyne Deni Waxaa uu Cagjar ka codsadey inuu ka shaqeeyo Xiriir dhex marra Dowladda Dhexe Ethiopia iyo Puntland..

Labbo Cisho oo uu Jigjiga joogey Madaxweynaha Puntland Waxaa uu imaadey Adis Abeba asagoo halkaas kula kulmey Ganacsato iyo Siyaasiyiin Oroma ah kuwaasoo uu kala hadley Xiriirka Oromadda iyo Puntland.

Kastamka Tuur-Dibbi iyo Arimaha amaanka.

Madaxweyne Deni Waxaa uu Cagjar ka codsadey inuu ka shaqeeyo Xiriir dhex marra Dowladda Dhexe Ethiopia iyo Puntland..

Labbo Cisho oo uu Jigjiga joogey Madaxweynaha Puntland Waxaa uu imaadey Adis Abeba asagoo halkaas kula kulmey Ganacsato iyo Siyaasiyiin Oroma ah kuwaasoo uu kala hadley Xiriirka Oromadda iyo Puntland.

Ganacsiga,Siyaasadda iyo Amaanka ayaa Diiradda lagu saarey Shirkaas..

Dowlad Goboleedka Puntland waxeey si dhow u codsatey in Dowlad Goboleedka Oromadda iyo tan Puntland ka wadda shaqeeyaan Arimaha Amaanka, iyo Ganacsiga ..

Intaas Kadib Madaxweyne Siciid Deni Waxaa uu dhisan Xulufo Siyaasadeed iyo mid Amni oo u dhaxeeysa Qowmiyadda Oromadda iyo Midda Puntland.

Xaley ayuu u duuley Dalka China balse kahor intuusan Duulin waxeey kulan wadda qaateen Wasiirka Gaashaan dhiga Ethiopia iyo Saraakiil Sar Sare oo Amaanka Ah..

Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya iyo Taliskii Tigreega ayaa lahaa Xiriir weyn balse hadda waxeey u muuqataa in Tigree uu Oromo noo badaley..

Xogtaan waa mid Sugan oo aan ka heley Shaqsiyaad aan ku kalsoonahay oo howshaas la socdey..

Waxaa jirta Xog kale oo ayadana aheyd furitaanka Kastamka Feer Feer oo Xubno ka socda Heey Adda Socdaalka Dalka aay Adis Abeba u tageen taasoo hareer marsaneye nidaamka Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya..

Odoyaal Dhaqameed iyo Shaqsiyaad Magaca Dowladda watta ayaa kaarkaas Xoqanayey…

Cali Yaasiin Gurbe.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *