4 sano oo Shariif ah + 4 sano oo Xasan ah + 2 sano oo Farmaajo ah = 10 sano. Tobankii sano ee ugu danbeeyey Soomaaliya waxay ahayd dalka ugu Musuq-maasuqa badan caalamka

4 sano oo Shariif ah + 4 sano oo Xasan ah + 2 sano oo Farmaajo ah = 10 sano. Tobankii sano ee ugu danbeeyey Soomaaliya waxay ahayd dalka ugu Musuq-maasuqa badan caalamka

January 30, 2019| Arlaadi Online

Somalia has held the title of being the world’s most corrupt country for the past decade. Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaan waxay xasuusnaan doonaan magac xumadaas. 

Su’aashu waxay tahay yaa hayay talada dalka 10-kii sano ee dambeeyay?

Yaase hada raba inay dib ugu soo noqdaan talada dalka amase sii haystaan? Jawaabta waa laguu hayaa.

Image result for madaxweyne sheekh shariif, Madaxweyne Xasan sheekh iyo Farmaajo

Sawir: Caleema saarka Madaxweynaha sagaalad ee Soomaaliya, Farmaajo. Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif  Sheekh Axmed.

Saddexda Madaxweyne isku dar waxay talada dalka gacanta ku hayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna Awoodi waayeen inay hal darjo kor uga soo qaadaan Soomaaliya halka ay kaga jirto Musuq-maasuqa dunida oo ah kaalinta 180-aad taasoo ah mida ugu hooseeysa.

4 sano oo Shariif ah + 4 sano oo Xasan ah + 2 sano oo Farmaajo ah = 10 sano. Tobankii sano ee ugu danbeeyey Soomaaliya waxay ahayd dalka ugu Musuq-maasuqa badan caalamka. Waxaan si isdaba joog ah u galay kaalinta 180-aad oo ah mida ugu hooseeysa.

Nasiib daro saddexda Madaxweyne waxay rabaan inay ku tartamaan doorashada dalka ka dhici doonta 2021 oo talada dalka dib ugu soo laabtaan ama uu Farmaaajo sii haysto.

Madaxda kor ku xusan waxaa horay loogu wada Eedeeyay inay dhaqaale badan ku bixiyeen doorashooyinkii ay ku guuleysteen, lacagahaas oo inta badan ka imaanayay dalal shisheeye. Waxaa intaas dheer in mid walba Madaxweynihii ka horeeyay uu ku dhaliili jiray u Adeegsiga canshuurta dalka ololihiisa  doorashada.

Dal ay ka suuro gali karto ma jiro madax sidaas u fashilmay in dib loo doorto, Soomaaliyana waa sidaas iyo kasii daran. Waxaa lagu yaqaan Dadka Soomaaliyeed ee sharafta badan in aysan fursad labaad siin Madaxda guul-daraysta ee aan kasoo bixin ballamaha ay uu qaadaan shacabkooda. 

Corruption Perceptions Index 2018: Somalia named as world’s most corrupt country.

Image result for corruption perceptions index 2018 Somalia bottom countries

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *