AAS-AASKII 57-SANO GUURADII KA SOO WAREEGATAY CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYED.

Filed under: WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

AAS-AASKII 57-SANO GUURADII KA SOO WAREEGATAY CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYED.

Arbaco April 12, 2017| (Arlaadi Oline) Taariikhda ciidankii xooga dalka Soomaaliya waa mid kamid ah hantida ugu faca weyn ee ay leedahay Ummadda Soomaaliyed waana hanti maguurto ah iyo xasuus ku keydsan dadka garankara ee yaqaan qiimaha uu Ciidan wadani ah uu leeyahay dal ilaashanaya madaxbanaanidiisa iyo xoriyadiisa. Waa maalin xusuus leh, waxa ay maalintani tahay waase barisamaad laga soo gudbay lana lumiyay mirihii iyo tacabkii gundhiga u ahaa.

Waxaa ciidanka soomaaliya inti uu jiray uu galay labo dagaal oo dibada ah oo kala dhacay sanadihii 64 iyo 77. Taliyaashii Ciidanka soo hoggaamiyey waxay kala ahaayeen oo ugu horeeyay Janaraal daauud Cabdule Xirsi, Janaraal Maxamed Siyaad Barre, Janaraal Maxamed Cali Samatar iyo Janaraal Aadan Gabyow. Waxaa la sheega in ciidanka markii uu ugu tirada badnaa uu gaaray ilaa 400,000 kun oo isugu jiray ciidanka lugta kuwa bada iyo ciidanka cirka, waxa ay mar ahaayeen mid kamid ah ciidankii ugu muuqday qaarada afrika balse taariikhahaasi oo dhan hada waa wax la lahaanjiray oo mirohoodii lalumiyay. Janeral Daauud Cabdulle Xirsi ayaa noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. Taliyaashii ciidnanka xooga dalka soo maray qeyb ka mid ah:

Related imageImage result for maxamed siyaad barreImage result for maxamed cali samatarImage result for general adan abdullahi nur gabyow

Image result for 12 ka April maalinta ciidankaSomali Army Flag.svg

Astaanta ciidanka

Halkaan ka daawo Awoodi iyo hubkii ay ciidanka xooga dalka Soomaaliyed lahaan jireen. Xooga dalka wuxuu ahaa ciidanka sadexaad ee ugu Awooda badan qaarada Afrika. Hadii aysan Soomaaliya burburi lahayn waxaa la qiyaasayey in xooga dalka Soomaaliyed uu noqon lahaa ciidanka ugu Awooda badan Afrika.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Xusuus iyo taarikh aan ka bartay Aabahay Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Xasan (AUN).

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *