Daawo: 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga oo ku beegnayd 21-kii Janaayo 1973-dii

Daawo: 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga oo ku beegnayd 21-kii Janaayo 1973-dii

Axad January 21, 2018| Arlaadi Online

Maanta waa maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, waa sanadguuradii 45 ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga uuna soo baxay wargeyskii ugu horeeyay ee ku qoran farta Soomaaliga taasoo ku asteysneyd sanadkii 1973-dii. Hal sanno ka dib waxaa dalka ka bilowday olilihii horumarinta reer miyiga(OHRM) ardaydii dugsiyada ay ka fuliyeen dalka oo dhan sanadkii 1974. Waxaa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalka isku badalay farta Soomaaliga.

https://youtu.be/3UmZFXDj86A

Daawo: Wareysiyo (Taariikhda af Soomaaliga) Xuseen Sheikh Axmad Kadare, Axmad Faarax Cali Idaajaa, Shariif Saalax, Cureeji axmad Caalin iyo Maryan Faarax Gooje. Xigasho. SomaliSwiss Media

https://youtu.be/wNP6D3T0j6Y

21 January 1971:  Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golahii sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah  iyo labo lataliye, Xubnaha Guddiga ayaa kala ahaa

  1. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye

  2. Yaasin Cismaan Keenadiid

  3. Mustaf Sheekh Xasan

  4. Axmed Cali Abokar

  5. Yuusuf Xirsi Axmed

  6. Msuse Xaaji Ismaaciil Galaal

  7. Cabdidaahir Affey,

  8. Aw Jaamac Cumar Ciise

  9. Dahabo Faarax Xasan

  10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar

  11. Cabdullaahi Ardeeye

  12. Xasan Sheekh Muumin

  13. Maxamed Nuur Caalin

  14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)

  15. Xirsi Magan Ciise

  16. Cumar Aw Nuux

  17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)

  18. Iikar Bannaa Xadaad

  19. Aaqib Cabdullaahi

  20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare

  21. Axmed Cartan Xaange

  22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir

  23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi

  24. Shire Jaamac

Guddigan waxaa uu lahaa guddi hoosaadyo sida mid qaabilsan qorista  Qaamuuska, kan Taariikhda ,  Juqiraafiga, Sayniska, diyaarinta kutubta dugsiyada iyo naxwaha.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *