Daawo: Dowladii Kacaanka maxaa loo riday ma isleedahay marka aad Maanta xaalkeena fiiriso waa lagu degdegay? “A day of anarchy is worse than a hundred years of tyranny”

Daawo: Dowladii Kacaanka maxaa loo riday ma isleedahay marka aad Maanta xaalkeena fiiriso waa lagu degdegay? “A day of anarchy is worse than a hundred years of tyranny”

Sabti Oktoober 21, 2017| Arlaadi Online 

lawlessness is worse than dictatorship. “a day of anarchy is worse than 60 years under oppressive ruler” – Imam Malik RAH 

There is another relevant saying of the Prophet (pbuh): A day of anarchy is worse than a year of tyranny. Today’s Iraq, Somalia and Libya are a severe demonstration of that wisdom. Anarchy is the absence of effective leadership. Tyranny is cruel leadership, but at least there is still leadership. Anarchy” arises from ancient Greek “An,” meaning without and “Archos” meaning leader.

Dowaladii Kacaanka in la baddelo ma xumeyn, balse qorsho la’aan iyo in dalka oo dhan la dumiyo ma ahayn oo Soomaaliya oo kaalinta sadexaad kaga jirtay xaga Awooda ciidamada qaarada Afrika ay 27 sano ka dib ciidan African ah oo dan aan ka lahayn Nabada Soomaaliya ay u joogaan nabad ilaalin, dagaalana aan kula jiro wiilal yar yar oo Soomaaliyed oo Alshabaab la baxay oo iyagiina dhamaaday oo naftoodina haligay sidoo kalena shacabkoodii xasuqay.

Xusuuso Kacaankii Oktoobar oo waxba ha ka sheegin ilaa aad wax ka fiican keento oo dadkaaga iyo dalkaaga aad ka difaacato cadowga gudaha iyo dibada, marka ka dib ayuu hadal ku banaan yahay.

21-kii Oktoober 1984 Soomaaliya xilligii ay ugu Awooda badnayd Afrika, waqtigaas ma aysan dhalan in badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyed oo ah kuwa ugu badan dalka. Alle (swt) waxaan ka baryayaa mar uun inaan sidaan usoo laabano oo wadankeena Alle (swt) ka qaado musiibada iyo dhibaatada ku habsatay, Allow dalka noo hagaaj.

Ma ahayn waqtigaas waqti Xamar lagu dhex dili jiray 300 oo Soomaali ah hal maalin. Waa meesha lga leeyahay 70 sano oo diktator ah ayaa dhaanta hal maalin oo dowlad la’aan ah.

Waxaase loo baahan yahay in Khaladaadkii dhacay la saxo oo ay noqdaan taariikh aan wax ka barano oo cashar ka qaadano, Madax iyo Shacabna la isweeydiyo maxaa anaga oo Awoodaas leh aan sidaas ugu burburnay, hadiii aad quraanka akhriso waxaad ogaan sababta uu dhibkaas noogu dhacay.

Hadaba sii aan usoo kabano waxaa laga rabaa Madax iyo Shacaba inaan Alle si dhaba uga baqno oo Midnimada Ummadda iyo wadajirkeeda ka shaqeeyno, ku dhaqano cadaalada Islaamka, iskana ilaalino dulmiga nooc kasta oo uu yahay.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *