Daawo Eedeeyn Culus: Shariif Xasan oo lagu Eedeeyay Musuq-maasuq iyo inuu ku tuntay dastuurka Koonfur galbeed

Sabti August 05, 2017| Arlaadi Online 

Shacabka iyo xildhibaanada Koonfur galbeed oo dulqaadkii ka dhamaaday, baaq deg deg ah iyo codsina u diray dowlada Federaalka si ay usoo farageliso xaalada Koonfur galbeed inta aysan faraha ka bixin.

Image result for amiin caamir cartoon shariif xasan

In ka badan 50 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku shiray Magaalada Baydhabo ayagoo ku Eedeeyey Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ku tuntey dastuurka Maamul goboleedka Koonfur galbeed.

Qodobada ay xildhibaandu ku Eedeeyen Shariif Xasan ayaa kala ah qodobka 44aad qodobka 48aad iyo 51 aad, Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiirada cusub ee dhawaan uu Magacaabay Shariif Xasan uusan sharci ahayn madaama aysan jirin Madaxweyne ku xigeenadii uu sharci ahaan dastuurka qabey inuu kala tashado.

Dastuurka Koonfur galbeed wuxuu dhigayaa inay ka koobantahay Madaxweyne, Madaxweyne kuxigeeno Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno, halka uu Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan uu kusoo kordhiyey Wasiiro dowlayaal taasoo Aan waafaqsaneyn sharciga, sidaa darted sharci ma ahan wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweyne shariif ku dhawaaqay.

Halkan ka dawwo dood kulul oo ay xildhibaanada Koonfur galbeed ka yehseen ku tumashada uu Shariif Xasan ku sameeyay dastuurka Koonfur galbeed.

https://www.facebook.com/bukurow.cade/videos/1114690515328260/

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.