Daawo: Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ku Baaqay in Madaxweyne Muuse Biixi is casilo Axmed Siilanyona Maxkamad la soo taago.

Daawo: Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ku Baaqay in Madaxweyne Muuse Biixi is casilo Axmed Siilanyona Maxkamad la soo taago

April 19 , 2018| Arlaadi Online

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo sameeyeen dastuur jabin iyo khiyaamo Qaran.

Luuqadda adage ee Dr. Cirro waxay daba socotay hadalka wasiirru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash oo shalay BBC-da u sheegay in ay heshiiska dekedda Berbera kala heshiiyeen dawladdii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh, islamarkaana aanay wax xiriir ah la lahayn Somaliland sida safaarad ama qunsuliyad uga furanna Imaaraatka aanay jirin.

Mudane Cirro waxa uu sheegay in waxa kaliya ee u bannaan Madaxweyne Biixi yahay in uu iscasilo, islamarkaana dalka laga qabto doorasho madaxweyne oo degdeg ah “Madaxweynahu wuxu jabiyey dastuurkii, wuxuuna ku kacay khiyaamo qaran. Waana in uu si deg dag ah isku casilaa oo dalkana laga qabtaa doorasho Madaxtooyo,” Sidaas ayaa ka mid ahayd hadalka Cirro.

Bulshada Somaliland ayaa amakaag ka qaaday hadalka dawladda Imaaraadka waxaana baraha bulshada laga arkayay dhalleecayn badan oo loo soo jeediyay xiriirka xukumadda ee ah Saldhigga Militari iyo dekedda.

Dadka xukumadda taabacsan ayaa ku andacoonaya in BBC-du been sheegayso.

Halka hoose sidoo kale ka daawo wareysiga ay BBC Somali la yesheen Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka ee khilaafka keenay.

DAAWO: Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka oo BBC-da u sheegay in ay dowladihii hore ee Soomaaliya wax ka ogaayeen isfahanka heshiiska dekadda Berbera.

https://youtu.be/6UbhXc6ZsQs

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *