Daawo khudbadihii ay Madaxdu ka jeediyeen xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Daawo khudbadihii ay Madaxdu ka jeediyeen xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Isniin May 29, 2017| Arlaadi Online 

Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, wakiiladda beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha DFS Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay Xafladda uga hadlay arimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin Xalka Galmudug iyo Ahlu Sunna, dib uheshiisiinta Gaalkacyo, Dhaqaalo badan oo dowladda soo galay, xariirka maamul goboleedyada iyo mooshin la doonayo in dowladiisa laga gudbiyo.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA FARMAAJO.

Madaxweynaha maamulka J/.Land Axmed Madoobe ayaa khudbadiisa ku sheegay in dalka uusan aheyn Muqdisho oo kaliya ee la doonayo in dowladu aysan la dhuuman waxii usoo xarooda ee shacabka lagu taa kuleeyo.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADII AXMED MADOOBE.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Galmudug State oo manta la caleemo saaray Axmed Geelle Xaaf ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu uheli lahaa Galmudug oo nabad ah, laakiin waxaa uu dowladda ugu baaqay in si deg deg ah looga sii daayo Xabsiyadda Liibiya ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah oo halkaas ku xiran.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA XAAF.

Madaxweynaha P/Land Cabdi Wali Gaas ayaase dhinaca ujeediyay siyaasadda, waxaana uu ku amaanay maamulkiisa inuu yahay hooyadii Federaalka, isla markaana uusan jiren maamul dhisma ilaa hadii aysan ka qeyb aheyn P/Land, sidoo kale waxaa uu fariin udiray Madaxweynaha Galmudug.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA GAAS.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan ayaa dhankiisa soo bandhigay arin uu sheegay inay xal unoqon karto muranka Galmudug iyo P/Land ee Gaalkacyo.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA SHARIIF XASAN.

Duqa Muqdisho oo ku faanay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo jeedo Galmudug ayaa dhankiisa sheegay inuu juhdi ku bixin doono Galmudug oo nabad ah.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa isna khudbad ka jeediyay xafladda Caleemo Saarka, Waxaana uu ka hadlay arimo xasaasi ah.

RIIX HALKAN: DAAWO KHUDBADDA.

Sidoo kale, wakiilada beesha caalamka sida Midowga Yurub, Ergayga QM, Wakiiladda Midowga Afrika iyo marti sharaf kale ayaa hadalo ka jeediyay xafladaas oo si nabad ah kusoo dhamaatay.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *