Daawo: Sheekh Umal – 4 Shay oo Munaafuq Lagu Noqdo/ Lacagna waa qaadasho codkuna waa sir waa khiyaano aan la barxin waa calaamatul Munaafuq. 

Daawo: Sheekh Umal – 4 Shay oo Munaafuq Lagu Noqdo/ Lacagna waa qaadasho codkuna waa sir waa khiyaano aan la barxin waa calaamatul Munaafuq. 

April 14, 2018| Arlaadi Online

Nabigu (SCW) wuxuu yiri Afar arrimood ruuxii laga hela waa Munaafuq barax l’a oo iska cad ah, ruuxi mid ka mid ah laga helana wuxuu wata sifo ka mid ah sifaatka Munaafaq-nimada ilaa uu ka tago. Maxaa ugu horeya AFARTAAS qiyaas waa AMAANADA.

Lacagna waa qaadasho codkuna waa sir waa khiyaano aan la barxin waa calaamatul Munaafuq. Hoos Ka dhageyso sheekh Umal khiyaanada iyo ehelkeeda.

Hadaba hab dhaqanka in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida waa khayaano barax la’ oo iska cad taa micnaheedu waa calaamatul Munaafuq. Maxaa yeelay inta badan Amaananada loo dhiibtey iyo xilka loo igmadey sidey tahay uguma soo baxaan in yar oo kooban mooyee waa tuugo badankood.

Hadaba mala dhihii karaa Soomaliya waxaa la degay siyaasiyiin Khiyaano badan iyo dowlado ay marwalba ka buxaan dad wata sifaatka Munaafiqiinta?

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *