Daawo: Siyaasi Cabdi Barre oo Fadeexad iyo Ceeb jirta bannaanka soo dhigay yirina “Maanta Soomaaliya Xasarad iyo in dib loo laabto uma baahna”

Daawo: Siyaasi Cabdi Barre oo Fadeexad iyo Ceeb jirta bannaanka soo dhigay yirina “Maanta Soomaaliya Xasarad iyo in dib loo laabto uma baahna”

Sabti December 30, 2017| Arlaadi Online

Siyaasiga Cabdi Barre oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa cod dheer ku sheegay in subax waliba in badan oo ka mid ah nabadoonada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyed lagu shiriyo xarunta xalane oo fariisin u ah beesha caalamka, halkaaso ay ku yaalaan qolol si gaar gaar ah loogula kulmo oo looga dhageysto cabashadooda iyo waxa ay rabaan.

Xildhibaan hore Cabdi Barre ayaa yiri “Ma aha wax wanaagsan in madaxda dalka lagu dacweeyo shaqsiyaad ajnabi oo ka socda beesha caalamka ama loo doonto xilal dowlada laga rabo si ay madaxda dalka ugu cadaadiyaan in xil loo magacaabo. Dhinaca kale Madaxda dalka ayuu kula taliyay inay dulqaad muujiyaan dadka kasoo horjeedana soo dhaweyaan.

Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii yiri oo hadalkiisa kusoo xiray “Soomaaliya yaan ka burburinaynaa yaase loo burburinayaa”.  

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *