DAAWO: Warbixin TV-ga Channel4 uu ka diyaariyey Ololaha Gurmadka Abaaraha ee ka Socda Dhulka Al-Shabaab.

DAAWO: Warbixin TV-ga Channel4 uu ka diyaariyey Ololaha Gurmadka Abaaraha ee ka Socda Dhulka Al-Shabaab.

Isniin May 08, 2017| Arlaadi Online 

Telefeshinka Caalamiga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa warbixin ka diyaariyay sida Xarakada Al Shabaab ay ugu gurmatay dadka Abaaruhu saameeyeen.

Saxafiga Jamaal Cusmaan oo Katirsan wariyaasha Telefeshinka ayaa booqasho ku  tagay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool oo kamid ahaa meelaha ugu daran oo ay dhibaatada ka geysteen abaarihii dalka ku dhuftay. Wariyaha ayaa booqday goobo raashin loogu qeybinayay boqolaal qoys oo kasoo barakacay dhulka miyiga ah kadib markii ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Warbixinta lagasii daayay TV-ga Channel 4 ayaa diiradda lagu saaray heerka ay gaarsiisantahay abaarta Soomaaliya iyo kaalinta ay Xarakada Al Shabaab ka qaadatay ugargaaridda ummadda dhibaataysan.

Jamaal Cismaan ayaa intii uu safarka kusii jiray wuxuu wadada ku arkay haween abaartu saameysay  oo Oon iyo harraad uu ku haayay wadada isagoo siiyay dhowr liitar biyo lacabo ah. Warbixinta waxaa kasoo muuqanaya Mas’uulka arrimaha Gargaarka uqaabilsan Xarakada Al Shabaab Sheekh Suldaan Aala Max’med oo Kormeeraya qoysas raashin loogu qeybinayo deegaanka Doodaale.

Hoos Ka Daawo Warbixinta.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *