DAAWO: Wariye Coldoon oo si Cajiib ah loogu soo dhaweeyay Burco

DAAWO: Wariye Coldoon oo si Cajiib ah loogu soo dhaweeyay Burco

Isniin May 29, 2017| Arlaadi Online 

Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo dhawaan laga sii daayay xabsiga Hargeysa ayaa maanta waxaa magaaladda Burco loogu soo dhaweysay si aad uqurux badan.

Shacabka magaaladda Burco ee gobolka Togdheer oo isugu jira, odayaal, haween iyo dhalinyaro ayaa banaanka magaaladda uga hortagay Samafale Coldoon oo dhawaan uu cafis ufidiyay madaxweyne Siilaanyo.

Wariyaha ayaa sheegay in xarigiisa uu ahaa mid cadaalad daro ah isla markaana ay ka dambeeyeen cadowga Somaliland oo uu sheegay inuu marar badan farta ku fiiqay.

Si kastaba, soo dhaweyntan Coldoon ayaa niyad jab ku riday siyaasiyiinta Somaliland kuwaas oo aan loo so dhaweyn sida Samafale Coldoon loo soo dhaweeyay.

https://youtu.be/H0Wdi0UkDD0

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *