Daawo: Wasiirad-dii ugu Wadanisanayd xukuumada RW Khayre Dr. Maryam Qaasim oo maanta Iscasishay

Arbaco November 15, 2017| Arlaadi Online 
Dr. Maryan Qaasim‏ ayaa qoraal  ay soo dhigtay Barteeda twitter-ka wuxuu u qorna sidaan: Maanta oo ah arbaco 15-ka November 2017, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka aan ka hayay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, duruufo anniga khaas ii ah”.
Wasiirada iscasishay ayaa sumcad wanaagsan ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed iyada oo lagu bartay Karti, Daacadnimo iyo Hufnaan.
Wasiirad Maryan ayaa ahayd qof marwalba ka fakira danaha ummaadda Soomaaliyeed, runtana Aan ka baqin, dowladii tan ka horreeysay ayay ugu baaqday in nidaamka waxbarasho ee dalka looga daydo Puntland, kharash badana loo baajiyo ummadda Soomaaliyeed oo hada Aan meel cidla ah wax laga bilaabin, taasoo markii dambe lagu colaadiyay mucaarado Aan loo baahnayana ay kala kulantay.
Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *