December 16 , 2019| Arlaadi Online

Image may contain: 2 people

Soomaaliya oo la wada sugaayo halka aya taarikhda ka geli doonto doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadka 2021. Inta badan dalalka ka soo kabanaya dagaalada ee raba inay dib u dhisaan dowlad-nimadi uga burburtay dagaaladii sookeeye ee dhexmaray ayaa marka ay doorasho ka dhacdo dalalkooda waxay kala qaataan laba wado oo kala duwan.

1- Tan kowaad oo ah in laguu guuleysto in ay dhacdo doorasho xor ah oo cadaalad ku saleeysan taaso keenta dowladnimo ku dhisan ogolaasho shacab (legitimacy), xukun dimoqaraadi ah iyo nabad.

2- Halka dalaka qaarna ay ku fashilmaan oo ay qabtaan doorasho aan xor ahayn cadaaladna ku dhisnayn, taaso keenta fashil siyassaded iyo in dib loo bilaabo colaad beeled, kala qeybsanaan, dagaalo sokeeye, xukun boob iyo kelitalisnimo.

Hadaba waxaan qoraalkan ku falan qeyn doona maxay yihiin xaaladaha keena in doorashadu horseedo dowlad dimoqoraadi ah ama fashiliya oo keena colaad, dagaal sokeeye iyo midnimo la’aan? maxay yihiin caqabadaha ka jira dalka Soomaaliya ama imaan kara oo keeni kara labadaas midkood iyo sida looga gudbi karo, waxaan ku soo khatimi doona sida aan u arko xalka fiican ee keeni kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho horseeda dowladnimo, nabad iyo horumar.

Aragtidayda ma ahan mid u janjeerta dhinaca ka mid hoggaamiyaasha siyaasadda haday yihiin kuwa xiligaan talada haya ama ku damacsan inay la waregaan xilka ama talada dalka ee waa mid ku saleysan in la helo doorasaho ummadda Somaaliyeed u horseeda dowlad wanaag iyo dimoqaardiyad.

Maxaa keenay in dalalka ay ka mid yihiin Liberia iyo Mozamique in doorasahdii dhacday 1997-dii, ay Liberia u horseedo dagaalo hor leh, halka doorashdii 1994-tii ka dhacday Mozambique ay guuleysatay, maxay tahay sababta keentay inay fashilmaan doorashooynkii ka dhacay dalalka ay ka mid yihiin Angola, Côte d‟Ivoire, Liberia and Cambodia, halka ay guuleysteen kuwii ka dhacay Mozambique, Sierra Leone, iyo El Salvador oo ay keento Nabad iyo dowlado dimoqaraadi ah, dalalkaas dhamaantood oo ahaa dalal ka soo baxay dagaalo sokeeye, oo isku duruuf ay haysaty maxay natijooyinkii doorasho ee ka dhacay kuwana ku guuleysteen kuwana ku fashilmeen.

In la qabto doorashooyin marka uu dal ka soo baxo dagaalo sokeeye waa arrin aad loo qaatey wixii ka danbeyayay 1989-kii hadii aad akhrisid doccumenti kasta oo heshiis ah oo ay gaareen dalalkii ay dagaaladu ka dhaceen wixii waqtigaas ka danbeeyay waxaa ku cad in dalalkaasi ay ka dhacaan doorashooyin.

Dalalka la midka ah Soomaaliya oo ay ka jireen duruufaha soomaaliya haysta oo kale waxaa ku fashilmay doorashada oo ay doorashadu guuldareysaty isla markaana horseeday colaad hor leh 9% halka ay guuleysteen 91%.

Dalalka ay colaadoodu ku saleysnayd Mabda’ ama Diin ayaa heshiiska ama guul laga gaaro doorashada ay ka badan tahay kuwa ku dagaalamay qowmiyad ama Qabiil. Marka sidaas loo fiiriyo ma xuma rajada Ummadda Soomaaliyeed ee ah in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021-ka doorasho xor ah oo cadaalad ku saleeysan.

Balse xaqiiqdii waxaa jira caqabado keeni kara in doorashada la filaayo inay ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2021-ka ay guul dareysato, dalka iyo Ummadda Somaaliyeed-na u horseedo colaad hor leh iyo fashil siyaasaded.

Guud ahaan wadamada ka soo kabtay dagaalada sookeye caqabadahii haystay ayaa dalkeena Somaaliya-na ka jira, waxaa ka mid ah inaysan jirin hay’ado Awood iyo khibrad u leh arrimaha doorashada, Amaanka oo aan sugnayan, dhaqaalo xumo, inaysan jirin shaqaale diyaarsan oo tababaran iyo Maamul aan u diyaar sanayn Arrimaha muhimka u ah habaynta iyo Maareynta inay dhacdo doorasho Xor ah oo lagu baratamo.

In dal u burburay sida Soomalliya lo qaban qaabiyo doorasho oo ay ka dhacdo sanadka 2021-ka waa arrin culeyskeeda leh waxaa loo baahnaa diyaar garow xoog leh oo waqti hore la sii bilaabo, in la soo saaro sharciyadi doorashada, la dhiso guddi doorasho oo madax banaan qeybaha tartamayana ay kuwada kalsonyihiin, in wacyigelin guud loo sameeyo shacabka, xeerarka xisbiyada iyo dhaqaalaha loo adegsan karo doorashada, qaabka loo qaadayo dacwadaha la xiriira doorashada, waxaa intaas si dheer khibrad la’aan gaar ahaan marka ay guddiga maamulayo doorashada yihiin kuwo qabanaya doorashdi u horeysay ee Qof iyo Cod ah.

Intaas oo caqabado ah waa laga gudbi karaa hadi uu jiro (political Culture) ama dhaqan siyaasadeed wanaagsan ama hab dhaqan siyaasadeed fiican Soomaliya-na waa la gaarsiin karaa dowlad dimoqaraadi ah oo ay shacabku soo doortaan.

Hab dhaqanka siyaasadeed ee siyaasiyiinta waa mida ugu muhimsan ee keentay in dalal isku duruuf ahaa ay qaarna doorashoyinkii dhacay ku guuleysteen dalalkooda iyo shucubtoodana u horsedeen dimoqaraadiyad, nabad, horumar iyo dowlad wanaag, halka kuwa kalena ay ku fashilmeen oo hab dhaqankoodi siyaasadeed ee xuma u sababay colaado horleh, burbur iyo qeybsanaan ku dhacday shucubtooda.

Sidaas darteed waxa ugu daran ee fashilin kara in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah oo cadaalad ku dhisan ma ahan durufaha jira ee waa hab dhaqanka siyaasadeed ee hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku tartami doona qabashada talada dalka, taasoo keeni karta in lagu guuleysto in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho madax banaan oo cadaalad ku dhisan ama uu dhaco fashil siyaasadeed.

Hadii hab dhaqanka hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya kuwa xilka hayo iyo kuwa xilka doonaya uu noqdo mid aan fiicnayn oo danaha gaarka ah ama kooxeed laga hormariyo danta guud ee qaranka, taas waxay keeneysa tanaasul la’aan, talo diidnimo ama talada oo aan la wadaagin, qar iska tuur iyo wixii dumayo ha dumeen hadaan taladayda la qaadan, waa wixii ay Soomaaliya ku weeysay dowladnimo muda dhan 29 sano.

Burburkii ku dhacay dowladii Soomaaliyeed waxayaabha asalka u ahaa waxaa ugu horeeyay dhaqan siyaasadeed xumaaday oo ay la imaadeen hoggaamiyaashii siyaasada ee waagas talada hayay iyo hoggaamiyaashii siyaasadda mucaaradka ee ka soo horjeeday dowlada oo isfiirsanayay ayaa qaranki Soomaaliyeed ku burburay, sidaa darteed mar kale Soomaliya ma ahan inay u fashilinto hab dhaqan hoggaamiyaal siyaasadeed iska soo horjeeda oo isfirsanaya.

Waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed in aysan ka ogalaan hoggaamiyaasha siyaasadda wax kala qeybin karo ummadda Soomaaliyeed midnimadeedna wax u dhimaaya, taas baadalkeedna loogu baaqo inay kalsoonida shacabka ku raadsadaan wado sax ah oo ay ku soo bandhigaan barnaamijka siyaasadeed ee ay rabaan in ay dalka ku dhaqaan hadii shacbku siiyo mandate.

Waa inay u howlgalaan fulinta barnaamijkooda siyaasadeed hadii la diidana ay sidaas ku noqdaan muwadiniin Somaaliyeed.

Waxa loogu baahn yahay in doorasho dhacdo oo dalka loo dimoqaraadi yadeeyo gaar ahaan wadan ay dagaalo aafeeyen sida Soomaaliya oo kale waxay tahay oo keenays rajo xal loga gaaro mashaakilaadka muhuimka ah.

Maxaa yeelay marka kowaad dimoqaradiyadu waxay ka dhigaysaa dowalda mid xor ah oo u shacabku la xisaabtami karo taaso keenaysa in dowladu qabato shaqo waxtar u leh shacabka iyo in musuq-maasuqa laga hortago.

Marka labaad dimoqoraadiyadu waxay dowlada siisa (legitimacy) ogolaasho shacab iyo xasilooni halkii ay dowladu shacabka xoog ku maqunin lahayd taladana ay ku kobnaan lahayd koox gaar ah.

Marka sadexaad dimoqaraadiyda oo ay shcabku codkooda dhibtaan waxay keentaa dowlad loo wada dhanyahay iyo in khayraadka dalka si siman loo wada qeybsado

Marka afraad dowlada ay shacabku doortaan waxay hantida qaranka ku maal gelisaa dadkeeda una sameysaa shaqo abuur iyo in khayraadka dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo gobolada.

Masu’liyada ugu weyn waxay saarantahay shacabka gaar ahaan aqoonyahanka Soomaaliyeed rag iyo haween, culumaau diinka, odayaasha dhaqanka iyo saxaafada xorta ah si ay ummadda soomaaliyeed u helaan dowlad dimoqaraadi ah oo ay shacabku doortaan uguna adeegto si cadaalad ku dhisan, waa in si wada jir ah looga shaqeeyo helitaanka dowlad uu shacabku doortay.

Maxaa yeelay hab dhaqanka siyaasadeed wa mid soo jireen ah oo taariikh ku dhisan si sahal ahna laguma baddeli karo, laakin shacabka ayaa door ka ciyaari karo in ay hoggaamiyasha siyaasadda ku khasbaan inay ka shaqeeyaan danta Ummadda, wada shaqeyn iyo tanaasulna mujiyaan.

Maanta Soomaaliya mar kale ma ahan in ay ku weyso dowlad-nimadeeda iyo in la helo dowlad dimoqaraadi ah oo ku timaada doorasho dadweyne, xukunkana loo celiyo shacabka. Sidaas darteed waxaa laga rabaa siyaasiyiinta talada haya iyo kuwo doonaya inay talada qabtaan in ay hormariyaan danta qaranka lana yimaadaan dhaqan siyaaasdeed fiican oo keena inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah oo cadaalad ku saleeysan sanadka 2021-ka.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides