Dowlada Soomaaliya oo qabatay hoggaamiyahii Alshabaab ee Muqdisho Ciise Tarabuun

Dowlada Soomaaliya oo qabatay hoggaamiyahii Alshabaab ee Muqdisho Ciise Tarabuun

Isniin June 19, 2017| Arlaadi Online 

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in Sarkaalkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta shacabka Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed, oo loo yaqaano Ciise Tarabuun ku qabtay Suuqa Bakaaraha. Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

https://youtu.be/dGBC8PdyNk0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *