Dufcadii Sadexaad ee ciidamada Booliska Jubbaland oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo

Talaado April 25, 2017| Arlaadi Oline Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Saacid ayaa tababar u soo xiray dufcadii Sadexaad ee ciidamada Booliska Jubbaland kuwaasoo muddo Saddex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay waqti badan galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo leh tayo wanaagasan.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Saacid ayaa isna u hambalyeeyey ciidamada tababarka loo soo xiray, wuxuuna balan-qaaday in taliska booliska uu ku taageeri doono qalab iyo gaadiid wixii awoodooda ah, isagoo kula dardaarmay iney si daacadnimo iyo wadaninimo leh u gutaan waajibaadkooda.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.