Galmudug| Falan-qayn: Future-ka sida u noqon doono is-cayrigga siyaasadeed ee ka socda Galmudug. By Ali JAMA JIRAC
June 26, 2019| Arlaadi Online
Mida kowaad siyaasadii qar iska-tuurka ee Farmaajo & Khayre waxay ku dhamaatay fashil. Mida labaad doorashadii deg dega ahayd ee la rabay ma dhacayso oo waxaa ka horeeya isfaham, Xaaf wuxuu cadeeyey inuu doorasho diyaar u yahay laakiin waqtigeedii la joogin, taasina waxay Xaaf u furtay jid Cusub dhinaca beesha caalamka & shacabka somaaliyeed gaar ahaan shacabka Galmudug.
Mida sedaxaad dib u hishiisiinta sadexda qaybood ee Galmudug waxay qaadan kartaa bilooyin ama sanad, sababtoo ah ma, sahlana is-fahamka & awood qaybsiga sadaxda dhinac.
Mida afaraad waxaa laga yabaa in Farmaajo & Khayre khilaaf soo kala dhex-galo, ku kala aragti duwanaansha siyaasada cusub ee Galmudug ka bilaawatay, khilaaf-kaasna wuxuu keeni karaa in Istaraatiijiyada ay ku mideynayeen inay bur-burto, kalsoonidii ka dhaxeysayna ay meesha ka baxdo. Demoqoradiyadda ha noolaato.
W/D. Ali JAMA JIRAC
Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides