Hambalyo munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo (maalinta xorriyada Soomaaliya)

Hambalyo munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo (maalinta xorriyada Soomaaliya)

Image result for maalinta xoriyada soomaaliya

Maamulka Arlaadi.net waxay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la qaybsanayaan farxada & damaashaadka maalinta qaranka 1-da Luulyo oo ah maalinta xornimada Soomaaliya. 1-da July 1960-kii waxay aheyd maalintii ay xoriyada qaateen gobolada Koonfureed ee dalkeena, isla markaana ay midoobeen gobolada waqooyiga oo xoriyadooda hantey 26 June 1960-kii, isla markaana ay dhisantay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inkastoo xaalado & daruufo coladeed, qaxooti, khilaaf, burbur & kala googo’o uu ku yimid Jamhuuriyada Soomaaliya, hadana maalinta aad hesho xoriyad loo soo maray halgan waxay leedahay xusuus gaar ah, sidaasi awgeed Arlaadi.net waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaan in ILAAH ka dulqaado dhibaatada, colaada, qaxa, burburka, midnimo la’aanta & abaaraha, isla markaana sanadkan sanadkiisa ILAAH inagu gaarsiiyo horumar, dawladnimo, midnimo & barwaaqo. Aamiin

Halka hoose waxaad ka akhrisn kartaan Power point aan ugu talo galay munaasabada Maalinta 1-da Luulyo iyo sida loogu baahan yahay laguna heli karo Midnimo qaran Soomaaliyed.

Image result for somali national unity

Promoting Somali National Unity ONE COUNTRY, ONE NATION; SOMALIA.

Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Hambalyo……………….Hambalyo…………………………….Hambalyo…

Hambalyo……………………Hambalyo……

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *