*Hambalyo u diri maayo* Ciidanka Xooga Dalka. By Yaasmiin Axmed Salaad. Maxay Yaasmiin oo ahayd military family ku diiday inay hambalyo u dirto Ciidnaka Xooga Dalka Soomaaliyeed? 

April 12, 2020| Arlaadi Online

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay Degmada ...

*Hambalyo u diri maayo* Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee maanta, sababtoo ah waxey isu beddeleen ciidan jabhadeed. Ciidan u adeega jabhadda N&N.
Waxaa heybadii ciidannimo laga tuurey markii loo magacaabey wiil 30 jir iyagoo ay dhooban yihiin rag heybad iyo karaamo leh oo aqoon iyo taarikh faraqa ku sitta.
Ufficiali yaqaan every spot of the country, lakes, artificials lake (markuu biyaha roobka bato sameysma) rivers ilo yar-yar webiga ka farcama (marka biyaha webiga amah biyaha roobka bato) dooxooyin, buuro, hills of sands, from Lowyacadde to Raas Kambooni, all the borders cities, towns, tuulo you name it.
Waxaa luntay qiimahii iyo burjigii uu lahaa ruuxa ku labbisan uniform ka, tuutada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waa baa waxaa jirtay in ay u darajo sarreeyeen tre tipi: Wadaaadka, Askariga iyo Abwaanka. Mid aqoon diimeed buu lahaa oo ILAAHAY buu kuu dhaweyn, midka kale cadowga buu kaa difaaci midka u dambeeya wuxuu lahaa hal-abuur.
Caalamka aan ku nool nahay ciidamnimo waxaa leysku ixtiraamaa seniority’s, qofba qofka uu ka qabiirsan yahay dhinac yada kala duwan aqoonta ciidannimo:
Example:
Infantry, Corps of Engineers, Artillery, Aviation, Air Defense Artillery, Army Navy, Army Medical Specialist, Army Medical Corps, Army Nurse Corps, Cyber Operations Specialist, Special Forces,etc.
Goormaa la heli doonaa?
👇🏻👇🏻👇🏻👇🏻👇🏻👇🏻👇🏻👇🏻

Ciidan aan beeledaysneyn? Ciidan aan koox gaar ah u adeegin? Ciidan aan hadba kooxdii Villa Somalia timaada afduuban? Goormuu garan askariga inuu yahay Ciidan Qaran?

*Un esercito di leoni comandati da un cervo non sarà mai un esercito di leoni.* Napoleone Bonaparte.
Nuurun calaa Nuur.

W.Q. Yaasmiin Axmed Salaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *