Jawaabtii: Waa kuma Mohamed Haji Ingiriis? Hormuudkii Isbeddel doonka Soomaaliya.

Khamiis June 29, 2017| Arlaadi Online 

Image result for Xasan SheekhImage result for Maxamed Xaaji Ingiriis

Maxamed Xaaji Ingiriis iyo Isbeddel doonkii Afgambiyay dowladii Xasan Shiikh. “Soomaali raggeeda ha kala barato” Madaxweyne Aadan Cade

Maxaan ugu doortay Maxamed Xaaji Ingiriis inuu yahay hormuudka Isbeddel doonkii talada ka tuuray Madaxweyne Xasan Sheekh? Xasan Sheekh-se nin noocee ah ayuu ahaa?

Inta Aaanan jawaabta hore u galin Aan ku hormaro Xasan nin noocee ah ayuu ahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahayn nin sahlan oo si fudud ay uga Adkaan kareen Murashaxiintii la tartameysay hadey iyaga oo dhan isu tagaan, murashaxiintaas oo ay ka muuqatay sida ay shacabku wada qireen diyaargow la’aan iyo kala daadsanaan oo dadku waxay lahaayen Murashaxiintu ma aha kuwa u babac dhigi kara Xasan iyo kooxdiisa damuljaadiid. Halkaan ka daawo muqaal kooban

Murashaxiintii Madaxweyne ee Soomaaliya oo buuq, rabshado iyo fawda ka dhex dhalatay. January 31, 2017

Madaxweyne Xasan wuxuu ahaa Madaxweynihii talada iyo dhaqaalaha dalka gacanta ku hayey, wuxuu ahaa nin ku jiray diyaargarow muddo afar sano ah, wuxuu lahaa organization xoog leh oo isku xiran (Damuljadiid), wuxuu ahaa aftahan. Hadaba Maxaa Xasan Sheekh iyo xulafadooda ku dhacay oo looga guuleystay iyaga oo intaas oo dhan haystay, doorashadana maamulayay? Maalin ka hor doorashada oo ku beegnayd 7-dii February waxaa Xasan iyo xulafadooda ka muuqtay kalsooni ah inay ku guuleysan doonaan doorashada sida aad ka arkayso clip-kaan.

Full” Dhoola Tuskii Xasan Sh. iyo darenka xilibanada Tagersan

Daqiiqada 14-aad wuxuu Xasan ku sheegay oo yiri “Waan ku kalsoonahay inta halkaan fadhisa inay bari codka isiin doonaan habeen danbe Ayaan wada xafladeyn doonaa”. Xildhibaanadii goobta fadhiyay oo tiro ahaan kor u dhaafayey 200 oo xildhibaan hadey maalinkaas codka siin lahaayen Xasan maanta wuxuu ahaan lahaa Madaxweynaha dalka, balse ma aysan dhicin oo xildhibaandu markay xisaabtameen ayna maqleen codka iyo dhawaaqa dheer ee shacakooda waxay go’aansadeen inay isbeddelka taageraan sidaana looga guuleysto Madaxweyne Xasan oo lagu dooraty 8-dii February 2017 Madaxweyne Farmaajo. Sida Xasan Sheekh ayaa kooxdiisana waxaa ka muuqatay kalsooni dheeraad ah oo hal maalin ka hor doorashada qoraaladii ay qoreen waxaaa ka mid ahaa

Mr.xxxxxxxx The discussion and speculation of who will be the next Somali PM started already! Unconfirmed report said Somalilander may be the next PM!

Brother xxxxxxxxxxxx, you’re correct and I can give the name of
the Person: Mohamed Omar Arte Ghalib.

Maxaan ugu doortay Maxamed Xaaji Ingiriis inuu yahay Assaasihii iyo Aabihii Isbeddel doonkii talada ka tuuray dowladii Xasan Sheekh?

Bartamihii sanadkii 2016 waxaa dalka tagey nin dhalinyaro oo Aqoonyahan ah oo magaciisu yahay Maxamed Xaaji Ingiriis. Ingiriis oo ka niyad jabay xaalada ay dadka iyo dalku ku sugan yihiin ayaa bilaaby olole ka dhan ah Xasan iyo dowladiisa laguna raadinayo inuu dalka ka dhaco isbeddel hoggaamined iyo mid siyaasadeed wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee hoggaanka u qabta talada Isbeddel doonka isaga oo ku daray ficil iyo howlgal wanaagsan.

Maxamed waa ninkii xaruunta dalka ee Xamar ka bilaabay halgankii dheeraa ee talada looga tuuray regimkii Damuljadiid, marka laga soo tago wacyigalintii uu ka waday caasimada oo uu naftiisa u huray wanaaga dadkiisa iyo dalkiisa waxaa u dheera isaga oo adeegsanaya xirfadiisa saxaafadeed qoraalo joogta ah oo uu la wadaagi jiray warbaahinta Soomaalida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, halka hoose ka akhriso qeybo kooban oo ka mid ah warbixinadii iyo qoraaladii uu halgame Ingiriis ka diyaariyay xaalka uu dalku ku sugnaa iyo sida loogu baahnaa in dalka uu ka dhaco Isbeddel hoggaamineed. Warbixino kooban oo Aan kasoo qaatay qoraaladii tirada badnaa ee Maxamed Xaaji Ingiriis intii u dhaxeysay July 2016 ilaa Janaayo 31, 2017.

Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh. Open Letter to President Hassan Sheikh Mohamoud. by Ingiriis. Waxaa lagu faafiyay bogga Internetka ee Hiiraan.

INGIRIIS: Kacdoon shacab ayaa lagu dhallin karaa dowlad dhab ah. Waxaa lagu faafiyay bogga Internetka ee Caasimada Online

Maxamed ayaa qoraaladiisa kusoo xiray Warqad furan oo uu u qoray Xildhibaanada Baarlamaanka isaga oo xusuusiyay masuu’liyada ay shacabkooda u qaadeen kana codsaday inay taageeraan Isbeddel ka dhaca dalka oo lagu soo doorto Madaxweyne cusub. Warqadaas oo taariikhda gashay oo Aan ku kalsoonahay inay xildhibaano badan saameyn ku yeelatay kuna qaateen go’aan isbeddel doon ah waxay u qorayd sidaan: WARQAD FURAN: Talo-Qaran oo ku socota Xildhibaannada Cusub ee Soomaaliya. Ingiriis. Waa qoraalkii ugu dambeeyay ee Ingiriis uu qoro doorashada ka hor.

Shiikh Yusuf Alqardaawi ayaa yiri “Alfadlu lil Mubtadi wa in Axsana Almuqtadi” oo macnaheedu yahay “Wanaaga iyo fadliga waxaa leh qofka bilaaba, xitaa hadii ay sii wanaajiyaan kuwa ku dayday”.

Februay 8, 2017 waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay Isbeddel lagu doortay Madaxweyne cusub, xukunkana looga tuuray dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh. Hadaba sidee ku yimid isbeddelkaas lama filaanka ku noqday caalamka, shacabka Soomaaliyed, Xasan Sheekh, damuljadiid iyo xulafadooda.

Marka hore Aan sawir kaa siiyo oo dib kuu xasuusiyo xaaladu sidey ahayd doorashada ka hor iyo hadal haynta shacabka iyo sheekooyinkii la isla dhexmarayey dal iyo dibad.

  • Xasan lagama guuleysan karo, waa Madaxweynihii dalka waa (incumbent president) Murashaxiinta isaga ayaa ugu dhaqaalo badan, hannaanka doorashada isaga ayaa gacanta ku haya, wuxuu leeyahay organization xoog leh (Damuljadiid) waxaa taagersan dowlado dhowar ah iyo arimo kale oo la mid ah.

  • Murashaxiintu diyaar ma aha oo wa ay kala daadsanyihiin. Dadku waxay lahaayen Murashaxiinta wax barnaamij ah ma aysan soo bandhigin, ma naqaan wax lagu doorto, midkee dhaama Xasan iyo arimo la mid ah.

  • Farmaajo waa murashaxii shacabka balse waqtigiisi ma aha oo waxaa wax dooranaya xildhibaano ha iska sugo doorasho shacab oo qof iyo cod ah sanadka 2020-ka

  • Intaas oo dhan waxaa ay dad badan oo shacab ah oo leh Aqoonyahno ku riday niyad jab ah inaan Xasan laga guuleysan karin, inbadan oo dadka ka mid ah gaar ahaan waxgaradkii bulshada inkasta oo ay arkayeen inuu Xasan ku fashilmay hoggaminta dalka hadana waxay go’aansadeen inay iska Aamusaan oo aysan iska xumeyn mustaqbalkooda siyaasadeed oo waa ay ka gaabsadeen inay mucaaradaan Xasan iyaga oo ilaashanaya danahooda gaarka ah.

  • Waa waqtiyadaas oo kale marka ay dadku kala miirmaan waa marka uu lahaa Martin Luther King, Jr. “The ultimate measure of a man is not where he stands in moments of comfort and convenience, but where he stands at times of challenge and controversy”. Waa xaaladaas oo kale marka ay dad badan galaan daaha gadaashiisa ayna kasoo baxaan marka doorashadu dhamaato iyaga oo la qabsada oo u nacamleeya Ninkii ay markaas guushu raacdo.

  • Waxaase mowqif taariikhda galay qaatay rag uu ka mid yahay Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingririis oo go’aansaday inay gutaan waajibka iyo Masuuliyada dadkooda iyo dalkooda ka saaraan. Inkasta oo rajada laga qabay soo noqsahada Xasan ay aad u sareeysay hadana dhib kuma aysan hayn xubnaha isbeddel doonka ah oo waxay go’aansadeen inuu dalka ka dhaco isbeddel hoggamineed, kamana aysan baqayn soo noqoshada Xasan oo waxaa ay kalsooni ku qabeen iyaga oo Alle kaashanaya inay ku guuleysan doonaan Aragtidooda isbeddel doonka ku dhisan.

Madaxweyne Farmaajo oo ku guuleystay doorashada wuxuu warbaahinta ka sheegay dhowr jeer oo uu qirsanyahay in dowladaan ay shacabku dhaliyeen oo dowladu tahay dowladii shacabka, waa run sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo waxaase u baahan in la ogaado yaa shacabka Abaabulay? yaa xildhibaanada u baaqay? yaa bannaanka soo dhigay Maamul xumadii iyo Musuq-maasuqii dalka ka jiray ka dibna abaabulay oo ku baaqay isbeddelkii dalka ka dhacay.

 Maxaan u qoray warbixintaan? ujeedaydu maxay tahay oo niyada iiga jira?

Waxaan u qoray warbixintaan laba sabab dartood, marka hore inay taariikhda gasho oo ay Soomaali kala barato raggeeda siduu oran jiray Allaha u naxariiste Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde).

Marka labaad in shacabka Soomaaliyed iyo Madaxweyne Farmaajo ay bartaan raggaas, waa run sida uu sheego Madaxweynaha dowladaan waa dowladii shacabka, waxaase loo baahan yahay inaan marwalba xasuusnaano oo la ogaado yaa shacabka wacyigaliyay, kiciyay, baraarujiyay oo dhiiragaliyay ilaa ay gaarto in fikirka Isbeddel doonka Aan loo kala harin culumo iyo caamo, waayel iyo dhalinyaro, Abwaano iyo fannaanin ilaa dhawaaqaas uu markii dambe gaaro dhagaha xildhibaanadii wax dooranayey oo ay jawaab fiican ka bixiyeen.

Madaxweynow ragaaga baro si uu u najaxo Isbeddelkii ay shacabka Soomaaliyed dalbadeen oo rajada shacabka looga ilaasho danaystayaasha ha noqdeen kuwa u adeega danaha shisheeye ama kuwa raacda danahooda gaarka ah xili ay dib isugu bahaysanayaan sidii ay ku fahilin lahaayen dowlada aad Madaxweynaha ka tahay.

Waa qoraaladii Aan ka keydiyay Maxamed Xaaji Ingiriis, aniga oo dareensanaa in lagu guuleysan doono halgankii Isbeddel doonka Ayaan xafiday si ay taarikhda ummadda Soomaaliyed qeyb uga noqoto. Waa warbixinadii iyo Eryadii kursiga looga tuuray damuljadiid sida ay iyaguba qireen oo saraakiil sar sare oo ka mid ahaa xukuumadii Xasan Sheekh Aadna ugu dhawaa oo lasoo xiriiray raggii hoggaaminayay Isbeddel doonka waxay qireen in Ingiriis iyo kooxda Isbeddel doonka ay yihiin raggi jabiyay oo guul darada baday, sidaana uu ku yimid kursiga Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn Aan uruurino taariikhdeena iyo xasuusteena midna maanka halgu hayo, sida loo ogyahay dadkeena taariikhda fiican leh yaa loo ogyahay kuweena taariikhda xun leh reer walba oo ay yihiin waa nagu badan yihiin kuwa noocaas ah ee wax walba ka hormariya danaha shisheeye iyo danahooda gaarka ah. Waa in Soomaalida jecel dadka iyo dalka u midoobaan badbaadinta shacabka, nabada, dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qeybtii kowaad ee warbixintaWaa kuma Mohamed Haji Ingiriis? Maxaad ka taqaan Ninkii ka danbeeyay in Madaxweyne Xasan Shiikh kursiga laga tuuro?

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

W/D Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com