Khad Tareen oo isku xiraya Dalka Kenya iyo Uganda oo la daahfuray

Khad Tareen oo isku xiraya Dalka Kenya iyo Uganda oo la daahfuray

Khamiis June 01, 2017| Arlaadi Online 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Khad Tareen casri ah oo ay ku baxday kharash ka badan Saddex Milyan oo doolar. Lacagta ku baxday Tareenka cusub ayaa la sheegay in inteeda badan laga soo amaahday dalka China, waxaana mustaqbalka la rajeynayaa in Tareenkani uu isku xiro waddamada Bariga Afrika.

Tareenkan oo ah mid casri ah ayaa isku xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, waxaana la soo gebagebeeyey dhismaha khadkan wejigiisa koowaad, iyadoo Madaxweyne Kenyatta uu xariga ka jaray.

Safarkiisii koowaad ayuu Tareenka ka soo anbabaxay  magaalada Mombassa waxaana rakaabka la socday ka mid ahaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku soo jeeda magaalada Nairobi.

Wejiga labaad ee dhismaha khadkan tareen ayaa la bilaabi doonaa dhowaan, kaasoo dherersan magaalada Nairobi illaa dalka Ugandha, iyadoo ujeedadu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga labada dhinac.

Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ay sameyso dowlada Madaxweyne Kenyatta, wuxuuna ku soo aadaya xili dhowaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ay sameysteen khad tareen casri ah oo isku xiraya magaalooyinka Jabuuti iyo Addis ababa.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *