Daawo VIDEO: Jaceyl Taaba-galay (Xamdi Sh. & Abdulkadir Jangeli). Noloshu Waa Jaceyl Jaceylkuna Waa Nolol

Arbaco July 19, 2017| Arlaadi Online 

SOMMAALIDU JACEYL MA TAQAAN OO BEENOWDAY. Waxaa mahadaas leh lamaanaha jaceylkooda la wadaagay bulshada Soomaaliyed. Wa qiso jaceyl oo ay ka sheekeynayaan Marwo Xamdi Sh. Maxamed Cabdulle iyo seygeeda Mudane Abdulkadir Aden Mohamud “Jangeli”. 

Mudane Jangeli ayaa caan ku ahaa qoraalo badan oo uu ka qoray xaalada Soomaaliya, mid ka mid ah wuxuu ahaa: Who destroyed Somali hopes and dreams?

Xikmado Jaceyl.

1. Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo

2. Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

Halka hoose ka dhageyso sheekada Xamdi iyo Jangeli, waa sheeko jaceyl oo xiiso gaar ah leh.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.