Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Canada Sara Hradecky +Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Canada Sara Hradecky +Sawirro

Khamiis June 8, 2017| Arlaadi Online 

Safiir-Canada1-768x710

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya oo aan degenaansho ku yeelan doonin Muqdisho.

Safiirada cusub oo lagu magacaabo Sara Hradecky ayaa waxay Canada u qaabilsan tahay illaa shan dal oo ku yaala dalalka Bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya iyadoo xarunteeda tahay Kenya, halka wadamada kalena aanay degenaansho ku laheyn.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay sharaf u tahay in waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa ay kula kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Amb Jamal Maxamed HassanWasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarka Dhaqaalaha oo ay kala hadashay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Canada iyo Soomaaliya.

Safiirada cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay kaloo xarunta Xalane kula kulantay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo madax kale.

Jun 7

Also met in with Omar to discuss partnership.

Safiir-Canada2-768x850

Wonderful to catch up with to hear about his priorities as Minister of Planning, Investment & Eco Dev’t.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Arladun@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *