Madaxweyne Laftagareen oo hooygiisa ku booqday Guddoomiye Mursal oo baryahaan danbe ku hawlanaa qorshe iyo Abaabul ka dhan ah Maamulkiisa. Waxaa xusid mudan in qofkii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Laftagareen (Nin SAMAAD) booqashada ugu tago markii uusoo gaaray magaalada Muqdisho in uu noqday Gudddomiye Mursal sida aad ka arragtaan sawirka hoose.

 

Arlaadi Online - Post | Facebook
SEPTEMBER 10, 2020| ARLAADI ONLINE
Image may contain: 2 people, people standing and indoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Labada Mas”uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iska xog wareysanayeen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arrimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed

Maxamed Mursal Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada uu ugu yimid, Waxaana uu bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *