MAQAAL| Fariin ku socota guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finish. Dhaliil loo jeediyay RW Khayre oo ku xadgudba Madaxda dalka iyo dowladnimada + Heesta Maxaan Dowladnimaay ku tebay. By Cali jaamac jirac

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

MAQAAL| Fariin ku socota guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finish. Dhaliil loo jeediyay RW Khayre oo ku xadgudba Madaxda dalka iyo dowladnimada + Heesta Maxaan Dowladnimaay ku tebay. By Cali jaamac jirac

October 12, 2019| Arlaadi Online

Cumar Finishoow, Qofka adoo khudbad aad muhiim u ah ka jeedinaya goob muhiim ah, adigana kuu ah mid taariikhda kuu gasha kaa joojiyey ka waran.

Maxaaad dareentey Cumaroow. Maxaa maskaxdaada soo galey marka Xasan Cali Khayre ku yiri Cumar khudbada Soo gaabi oo micnaheedu yahay waxa aad ka hadlayso waa “Hal bacaad lagu lisey”.

Cumaroow adoo Mas’uul ka ah 3-da milyan oo Muqdisho ku nool in warbixintii aad siineysey saaxiibada Soomaaliya shirka “SPF” Moqdisho 2-dii October 2019 qaabka uu Xasan Cali Khayre kaaga joojiyay ma fiicnayn, protocol-ku wuxuu ahaa inuu waraaq kusoo qoro. 

Arrintaa u sameeyey Xasan Cali Khayre aad bay uga xumaadeen Shacabka somaaliyeed gaar-ahaan shacabka Muqdisho. Cumaroow markii hore banaanka ayaad ka arki jirtey “Power abuse & Bahdilka” Xasan Cali Khayre, waxaase Hadda indhahaaga aad ku aragtey “Bahdilka” Xasan Cali Khayre u ku hayo dadka la shaqeeya & nidaamka dowliga ah.

 

Soomaaliya ha noolaato.

Demoqoradiyadda ha noolaato Dictatorship-ka ha dhaco!

W/Q. Cali jaamac jirac

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *