Maxay tahay Sababta uu Dr. Abdinur Sheikh Mohamed ugu Istaagay Hoggaanka Dalka? Jawaabta waxaa ku haya Murashax Madaxweyne Dr. Abdinur 

Arlaadi Online - Post | Facebook

December 20, 2020| ARLAADI ONLINE

Abdinur Sheikh Mohamed, Ph.D
Murashax jagada Madaxweynenimo 
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxan jeclaan lahaa inaan faaladaan kooban ugu ifiyo shacabka Soomaaliyeed sababta iyo muhiimada murashaxnimadeyda jagada ugu sareysa dalka, iyo weliba sababta aan sida gaarka ah ugu qalmo hogaanka dalka xilligan adag

Jaceylka aan u qabo wadankayga

Waxaan ka tirsanahay jiilkii loo yaqaanay “calan saar” ee dhashay sanadihii xornimodoonka oo ay Soomaaliya xoriyadda qaadatay ee 1960-aadkii. Jiilkaan oo wax ku bartay iskuulada dowladda oo xilligaas ay tayada waxbarasho, jaceylka waddanka iyo ku faanidda wadaninimada ay ahayd fariinta ugu muhiimsan ee laga qaato manhajka qaranka. Waxaa si gaar ah dhaqanka iyo qiimaha wadaninimada nalagu baray iyadoo la maraayo qaab suugaaneedkii abwaano Soomaaliyeed oo badan oo uu ka mid yahay Abdullahi Suldan Timacadde iyo abwaano carbeed oo muujinaayey shucuurta shucuubta ka soo baxaaya gacanta gumeeysiga una diyaar garoobay ismaamul dhexdooda ah sida abwaankii Masriga ahaa ee Axmed Al Shawqi. Waxay macallimiinteena oo ay wejiyadooda la iftiimayso aqoonta ay ardaydooda u gudbinaayeen ahaayeen kuwa da’yar balse tusaale sare leh, kuwaasoo maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba ka soo baxay heeryadii gumaysiga. Sida shacabka intiisa kaleba, waxay aad ugu faraxsanaayeen inay dib u helaan aqoonsigooda qaran iyo inay taariikhda meel muuqato ka galaan. Macalimiintaan waxay aniga iyo jiilkii cusbaa ku beereen jeceylka inaan ku wanaagsanaano waxbarashada iyo inaan si firfircoon uga qeyb qaadano halhanka dib-u-dhiska qaranka cusub ee madaxabanaan. Waxay xamaasad qarameedkan cusub iyo hammiga is maamulka ee qof walba saameeyay noqday mid cimri gaaban oo durba bilowday in nidaamka ismaamulka hoos u dhaco, iyadoo ay qabyaaladdu, qaraabakiilka, maamul xumada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ay fursad dheeri ah heleen. Tani waxay dhabaha u xaartay dhimashadii qarankii demoqraadiga ahaa ee jiray sanadihii 1960-1969 iyo dhalashadii xukunkii militari ee dalka ka talinaayey 1969-1991gii. Hoggaanka cusub isagoo ka faaideeysanaaya xamaasadda shacabka iyo dareenkooda dowlad jacaylka ah wuxuu bilaabay ololayaal bulsho oo baaxad weyn oo ay ka mid aheyd qoraalka farta Soomaalida taaso oo keentay in sanadihii hore ee xukuumadda militariga ballaariyo fursadaha waxbarasho ee dalka guud ahaan, sarena u qaadday koridda tirada inta wax qori taqaana dalka oo hoaray u aheyd 5% intaanan farta Somaaliga la qorin, kadibna gaartay 65% oo ah waxaanan hore loo arag. Waa xilligan marka uu qof wadani ah uu si sax ah ugu doodi karo saameynta weyn ee siyaasada xukuumadu iyo nidaamka dawlad wanaagu ay ku leeyihiin kobcinta shacabka iyo guud ahaan horumarka wadanka.

Nasiib wanaag waxaan ka mid ahaa ardaydii sida aadka uga faa’iday dowladnimada iyo waxa ay u hibayso muwaadiniinteeda, gaar ahaan siyaasadaha kor u qaaday sinaanta bulshada iyo waxbarashada lacag la’aanta ah ee loo siman yahay iyadoon la eegaynin gobolka iyo qabiilka uu qofka ka soo jeedo. Tani waxaa suuragal ka dhigay canshuur bixiyayaasha oo ay ku jiraan kuwa jidka wax ku iibiya, haweenka ganacsada iyo ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yar ee dhaqaalaha ku bixiyay wanaajinta bulshada iyo xukuumad si buuxda u qaadatay mas’uuliyada ay xambaartay. Waa nasiib darro sabab kasteba ha keentee in xukuumad bilowgeedii sidaa ahaa ay sanadihii dambe ku dambeeysay in ay horseeddo burbur dal iyo dad oo ilaa iyo maalinka maanta ah si buuxda looga soo kaban.

Abaalka aan u hayo Ummada Soomaaliyeed.

Jiilkayga iyo kuwa himiladooda waxbarasho ama xirfadeed ku gaaray gacan iyo gargaar ay ka heleen i) bulsho nabadeed iyo ii) deegaan dhaqan dhaqaale oo ay taageereen canshuur bixiyayaal iyo iii) nidaam dowladeed oo deggan waxay si gaar ah iyo si guud ahba ugu QAAMAYSAN yihiin qaranka Soomaaliyeed. Dowlada casrigan ee horumaray ma bixiyaan gargaar la mid ah midkii ay jiilkaasi dalkooda saboolka ah ka heleen waana inay dib deyntaas u bixiyaan iyagoo isticmaalaya waayo aragnimadooda, aqoontooda, xikmadooda iyo haddii loo baahdo maalkooda si ay markooda gacan u siiyaan dadkooda kana caawiyaan dib u aasaasidda qaran Soomaali ah oo cusub kaasoo fursadahaas oo kale dib u siin kara jiilka hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka haddii Alle ka raali noqdo.

Waxaan shakhsiyan aaminsanahay inaan wax badan u QAAMEYSANAHAY shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa oo islamarkaana aan qorshaynayaa inaan dib u bixin doono iyadoo aan abuurayo barnaamijyo xukuumadeed oo saameyn weyn leh iyo tallaabooyin jiilka cusub siin doona:

  1.  Aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah suuqa shaqada iyo shaqo abuur.
  2. Shaqooyin xirfad iyo xushmad leh si ay nolosha qoysaskooda ugu maareeyaan oo halkudhegeedu yahay “Shaqaa Sharaf leh; shaxaadaa ceeb ah”
  3. Nabad iyo amni baahsan
  4. Fursado waxbarasho iyo tababarro xirfadeed dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba
  5. Dowlad wanaag iyo habsami u shaqeyn baahsan oo dawladeed
  6. Sharaf iyo haybad Soomaalinimo oo ay ku faanaan dalkooda iyo dadkooda.

Xirfadaha Hogaaminta iyo Aqoonta

Hogaamin qaran, iskaba daa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, waxay u baahan tahay xirfado hogaamineed oo gaar ah iyo in la fahmo dhibaatooyinka gudaha iyo dibada ee faraha badan ee uu dalka wajahayo. Weliba waa in hoosta laga xariiqaa kartida si taabagal ah looga faaideeysan karo sida isticmaalidda kheyraadka dabiiciga iyo aqoonta dad iyo maaliyad ee uu qaranku leeyahay si loo helo natiijo qaran oo wanaagsan. Labada xirfad ee ugu muhiisan ee mid uu shakhsiga gaar u leeyahay iyo midda aqooneed ee uu uu isku sifeeyey Rasuulkii Alle Yusuf (csw) xilligii Masaaridii hore waxay ahaayeen aqoonta shaqada (maamulka maaliyadda) iyo xajinta amaanada shacabka si habsami loogu maamulo loona dhowro kheyraadka umadi leedahay.   

Rasuulkii Alle ee Yusuf (csw) wuxuu boqorka Masar ku yiri:

قال اجعلني علي خزاين الارض اني حفيظ عليم””

“Ii magacaw Hanti- dhowrka dhulka Masar waxaan ahay qof aamin ah islamarkaana aqoon leh.”

Sifadahan hogaaminta ee soo jireenka ah waa kuwa ilaa iyo maantadan la aaminsan yahay in loo baahan yahay.  Aqoonta iyo xirfadaha laga barto iskuulada iyo waayo aragnimada shaqo ee aasaaska u ah dhaqanada shakhsiyeed ee uu qofka ku dhashto sida daacadnimada, hufnaanta, cadaaladda iyo amaanada  ayaa ah waxa ay hogaaminta Soomaalida maanta dalbanayso, anigana waxaan maanta isu soo bandhigayaa anigoo si xushmad ku dheehan tahay u sheeganaya inaan leeyahay dhaqanada qof ahaaneed iyo xirfadeed ee aan ka bartay waayo aragnimada nolosha, islamarkaana uu Allah siiyo adoomadiisa. 

Sugida Aminiga Qaranka

Waxaa shaki la’aan ah in dhamaan dadka Soomaalida ee qaybaha kala duwan ee bulshada ay baahi u qabaan qaran deggan oo sugaya nidaam garsoor cadaalad ah iyo xukun sharciga ku salaysan oo ay dhammaan muwaadiniinta u siman yihiin. Aqoonyahan ku takhasusay culuumta Islaamka oo caan ah ayaa laga wariyay inuu yiri, “Allah wuxuu badbaadiyaa dowlad aan islaam aheyn balse cadaalad ah, halka uusan ka badbaadineyn mid aan cadaalad aheyn islamarkaana islaamnimo sheeganaysa.” Dhisidda nidaam cadaalad ah waa aasaaska bulsho, waxa intaa dheer in ay xukuumadaha dhisa maamul qaran oo xooggan islamarkaana ilaaliya nolosha dadka iyo hantidooda ay soo bandhigaan jawi nololeed oo ka wanaagsan kan xukuumadaha aanan arintaas soo bandhigin. Nasiibdaro, xukuumadda Soomaaliya ee maanta iyo kuwii ka horeeyay mudnaan ma siinin arimahan muhiimka ah ee soo socda:

  1. Dhisida guddi dib-u heshiisin qaran iyo dhaqan gelinta dibuheshisiin dhab ah oo dhexmarta bulshada Soomaaliyeed 
  2. In dib-looga dhaadhiciyo shacabka sidii loo wada dhisi lahaa bulsho ku dhisan cadaalad iyo wadaniyad badalkii lagu sii socon lahaa mid ku saleysan qabiil.
  3. Dhisidda heshiis bulshadeed oo cusub oo dadku sameysteen oo gobolada kala duwan ee dalku dhamaan ku wada heshiin karaan.  In laga heshiiyo dhisidda xukuumad qaran wadaag ah iyo nidaam garsoor cadaalad ah oo ay shacabku u siman yihiin iyo abaabul ciidamo amniga qaranka suga. Ciidamada qalabka sida marnaba looma isticmaali karo hawlgallo dalka gudahiisa ah, weeraridda iyo waxyeelada shacabka—marka laga reebo masiibo qaran oo ka hortaggeedu awood ciidan aan looga maarmin.
  4. Dhisidda xiriir wada shaqeyn oo dhex mara dadweynaha iyo hay’adaha amniga oo ujeedkoodu yahay ka wada shaqeynta arimaha amniga iyo ilaalinta xasiloonida.
  5. Dib u soo celinta kalsoonida ay shacabku ku qabaan nidaamka garsoorka iyo sharciga.
  6. Dhisidda barnaamij loo wajaho Al Shabab oo dhamaystiran oo leh awoodda fudud iyo midda cuslus oo ka bilaabaneeysa caqli celin iyo wada xaajood haddii xal taa lagu keeni waayo aakhirkana gacan bir ah lala beegsado iyadoo loo maraayo wejiyadan soo socda:
  7. In wadahadalo toos ah iyo kuwa dadban lala furo Al Shabaab oo ujeedadooda tahay xal u helida khilaafka iyo dagaalka
  8. In si adag looga shaqeeyo ku guulaysiga la wareegista maskaxda iyo quluubta dhalinta yaryar, hogaamiyayaasha qabaailka iyo bulshaweynta Soomaaliyeed si mustaqbalka looga joojiyo inay Al Shabaab ku biiraan
  9. In la hawl geliyo culumadeena diinta si loo soo bandhigo caddeymo diini ah iyo afkaar xadaari oo liddi ku ah mida borobogandada ku shisan ee Al- Shabaab islamarkaana si mug leh oo muuqata loo iftiimiyo sababta ay dowladdu diin ahaan uga saxan tahay as-shabab
  10. In lagu amro hay’adaha dowladda inay soo xiraan dhamaan ilaha dhaqaalaha ee Al Shabaab u soo maraan canshuuraha ay gudaha ka qaadaan iyo weliba taageerada ay dibada ka helaan
  11. In wacyi galin la siiyo dhalinyarada iyo inta u nugul inay ku biiraan Al Shabab ama horey ugu biiray oo raba in ay ka soo baxaan
  12. In barnaamijyo dhaqancelis ah loo fidiyo xubnihii horey uga soo goostay Al Shabaab si ay bulshada dib ugu soo noqdaan
  13. In sare loo qaado qaab dhismeedka hay’adaha amniga iyagoo waqti-qorshaysan gudahood ay si tartiib tartiib ah ciidamada dalka oo si fiican u tababaran una hubaysan ay xilka ugala wareegaan ciidamada AMISOM.

Hagaajinta Nidaamka Dowliga ah ee Burbursan

Nidaam dawladeedka Soomaaliya waa mid gebi ahaanba burbursan, islamarkaana u baahan dib u habeyn nidaamsan oo ay hirgelin karto xukuumad ay madax ka yihiin dad aqoon iyo khibrad shaqo leh, kuwaasoo leh awood sharci iyo mid dastuuri oo ay soo dhisaan ama boorka uga jafaan hay’adaha dowladda, shaqaalo dowladeed u tababaran adeega bulshada iyo nidaam sharciga huwan oo dhidibada u aasi kara aasaaska dowlad wanaagsan oo saameyn leh islamarkaana waxqabad fiican leh.  Nidaamka Soomaaliya ee qabyaaladda ku salaysan ee asal ahaan ka soo jeeda dhaqankii hore ee miyiga oo tartanka qabaailka oo joogtada ah waa mid aanan xasiloonayn, oo aan la jaanqaadi karin baahida iyo dhaqanka laga rabo qaran casri ah. Awood qeybsiga qaab qabiileedka ee 4.5 ku salaysan waa mid waqtigiisu dhamaaday, waxaana ra’yi ahaan qabaa in lagu bedelo aqoon, karti, hufnaan iyo waayo aragnimo (merit based) mid ku salaysan, kaasoo loo dhan yahay, wax qabad leh, islamarkaana ay ka dhexmuuqato horumar Iyo aragtida fog ee bulshada. 

Nidaamka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay markuu cirka marayay dagaalkii sokeeye wuxuu bedelay nidaamkii hore ee awooda xaruun qura laga maamulayay (central authority) wuxuu leeyahay waxyaalo badan oo wanaagsan, kuwaasoo si wanaagsan dalka ugu adeegay in kastoo ay jiraan dhibaatooyin dastuureed oo hagaajin u baaahan. Nasiibdaro, Soomaaliya waxay soo aragtay waxa uu nidaam sharci-daro ah oo xaruun kaliya laga maamulo uu u geysan karo shacabkiisa iyadoo la raadinayo in koox yar ama qabiil awooda gacanta ku dhigo amaba u xuub siiibta nidaam keli telisnimo. Si kastaba ha noqotee, maamul goboleedyada hada jira ee qabaa’ilka horboodayaan ee barbar ordaya Dowladda Federaalka waa arrin aanan qiil laheyn ayna tahay in deg deg wax looga qabto. Waa inaan xaqiijinaa kala duwaanshaha heerka Federaalka, iyo maamul goboleed kasta, islamarkaana aan helno qaab lagu dhameeyo xukun maroorsiga qabiilka ku dhisan iyo isqabqabsiga haddii aan doonayno inaan u jirno sida dawlad casri ah oo ka shaqeysa Geeska Africa. Si loo hagaajiyo nidaamka federaalka hada jira iyo xal u helidsdiisa waxaa ka mid ah sidan soo socota:

  1. Dhamaystirka Dastuurka qabya qoraalka ah
  2. Dhisida gudiyada dastuuriga iyo hay’adaha
  3. In kheyraadka dalka si caddaalad ah loogu heshiiyo looguna qeybiyo gobolada dalka
  4. In la dimuqraadiyadeeyo maamul goboleedyada, isla markaana awoodaha la daadajiyo lana gaarsiiyo degmooyinka dalka 
  5. In la dhamaystiro xuduudaha dalka si canshuuro loo qaado iyo in la tirakoobo dadka si loo helo codeyn dhab ah iyadoo fursad la siinayo dadka xuduudaha deggan
  6. In si saameyn leh loola xaajoodo gobolada waqooyi ee Somaliland, islamarkaana lagala shaqeeyo dib u midoobid iyo ka qeybgalka afti dastuuri ah  
  7. In muddo loo qabto aftida dastuurka qaranka si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo in ay ku aqbalaan ama ku diidaan nidaamka Federaaliga ah.

Haddii la i doorto waxaan si adag uga shaqeyn doonaa si aan nidaamka dowliga ah ee burbursan u hagaajiyo.

Inta taas laga gaarayo, hogaamiyayaasha dalka waa inay si daacadnimo iyo hawl karnimo ah u hagaajiyaan, isla markaana kor u qaadaan nidaamka federaaliga ah sida ku cad sharciga ilaa iyo inta natiijada rasmiga oo aftida qaranka laga gaaraayo.

Karti iyo Awood

Culeysyada ku gadaaman qaran casrigan jira iyo faragelinada dowladaha shisheeye iyo dhiigmiiradyada kale ee doonaya inay xoojiyaan fursadaha ay ugu gol leeyihiin danahooda inay qabsadaan, ama kheyraadka dalka ku doonaya si rakhiis ah ama kaydad kale oo qarsoon oo ay dadka Soomaalida leeyihiin in ay si fudud ku helaan waxay dalbaysaa  inaan doorano hoggaan karti iyo hufnaan wanaagsan leh, islamarkaana aqoon u leh in ay la yimaadaan maamul soo xusha muwaadiniin karti leh si ay uga hawl galaan hay’adaha dowladda si sare loogu qaado maslaxadda dalka islamarkaana loo ilaaliyo kheyraadka. Si looga baxo xaaladda cakiran ee qarankeena dumay, waa inaysan hogaamiyayaasha dalka ka gaban hawlgelinta iyo shaqaaleynta rag iyo dumar firfircoon si dib loogu soo nooleeyo haykalka hay’adaha qaranka. Waxay hogaaamiyayaasha Soomaalida u baahan yihiin inay wax ka bartaan culeysyada qaran ee uu muddo ka hor wajahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Singapore Lee Kwan Yew iyo sida ay u hor istaageen culeysyadaas, islamarkaana ay Singapore uga dhigeen mid ka mid ah dowladaha horumaray maanta iyo sida ay Malaysia ugu istaagtay barwaaqo dhaqaale intii uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Mahathir Maxamed iyo kooxdiisa. Tusaalooyinkan waxay muujinayaan hogaamiyayaal culeysyada jira meelo badan ka fiiriyay, islamarkaana culeysyadii jiray u bedelay fursado. Singapore iyo Malaysiaba waa sheekooyin guul leh oo muujinaaya inay hogaamintu muhiim tahay si xaaladaha adag looga baxo, nabad iyo horumar qaranna loo gaaro.

Haweenka, dhalinyarada iyo dadka aan laga qeybgelin horumarka dalka

Waxaa hubaal ah in ay dumarku yihiin laf-dhabarta bulshada, barbaariyaha dhalaanka, qeyb muhiim ahna ay ku leeyihiin horumarka Iyo nabadeynta bulshada. Dumarku waxay si mug leh uga dhex muuqdaan waxbarashada dalka Iyo dibedaba, waana ay kaga horeeyaan in badan raga, sidaa daraadeed waxay mudan yihiin in ay ka dhex muuqdaan golaha baarlamaanka, golaha wasiirada Iyo dhamaan hay’adaha dalka oo ay helaan 30% metelaadooda. Sidoo kale dhalinyarada waa mustaqbalka waddanka waxay xaq u leeyihiin in maslaxaddooda iyo mutaqbalkooda la dhiso, shaqa abuur loo sameeyo lagana qeybgeliyo horumarka dalka.

Maadaama aysan Soomali kala maarmin waa in qeyb walba oo bulshada ah ay heshaa mudnaanteeda aysanna marti ka noqonin in ay ka qeybqaadato horumarinta dalkooda. Xukuumaddu waxay ballanqaadeeysaa in ay si siman bulshada qeybaheeda kala duwan ula tashan doonto una tixgelin doonto.

Demoqraadiyad iyo Kalitalisnimo

Gobolka Geeska Afrika waa gobol taariikh ahaan soo arkay sedkiisa dagaalo bulsho-siyaasadeed aanan dhamaad laheyn, taasoo keentay inay xukunka boobaan hoggaano keli talis ah oo isticmaalaya caddaalad daro si ay u sii jiraan una difaacaan xukunkooda naxariis darada ah. Guud ahaan, hogaamiyayaasha Afrikaanka ah ee xukunka hayay in ka badan labaatan ama soddon sanadood iyadoo shacabkooda ay weli la daalaadhacayaan dhibaatooyin bulshadeed iyo dhaqaale hooseeya uma noqon karaan tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan dalkeena.

Markaad dhan kale ka fiiriso xukun wareejinta Soomaaliya ee afartii sanoba mar la wareejiyo waxay muujineeysaa nidaam tijaabo ku jira oo haddii xukuumaddu miro dhal yeelato dib loo soo doorto, haddii kalena maskax iyo aragti cusub lagu bedelo.  Waxaa intaa dheer yagleelida doorsho hal-qof iyo hal-cod ah oo shacabka si mug leh uga qeybgelineeysa maamulka qarankooda, waxaana lagu gaari karaa nidaam dowladeed oo qorsheysan oo sare u qaada haykalka dowliga si loo xakameeyo ficilada dib u dhaca dowladnimada keena sida musuqmaasuqa iyo faragelinta shisheeyaha. Si kale haddaan u dhigno, hagaajinta nidaamka burbursan ee Soomaaliya ayaa qaranka wax badan u dhaama intii laga daba lumi lahaa degenaan siyaasadeed dhalanteed ah oo u jiheeysan nidaam kelitalisnimo.

Hogaamiyayaasha dalkeena ee doonaya inay u tartamaan jagada ugu sareeysa hoggaanka dalka waa inay xaqiijiyaan ballan qaadkooda nidaam demoqraadi ah oo dowlad wadaag ah oo salka ku haaya dastuurka qaranka, kana fogaadaan kursi jaceyl dib u dhiga mustaqblka umadda Soomaaliyeed.

Soomaalinimo

Soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxay asal ahaan ka soo jeedaan bulsho mid ah oo wax badan wadaaga sida isir, diin iyo dhaqan. Sidoo kalena fahamka Soomaalinimada ayaa ahaa cunsur mideynaaya kaasoo ka sareeya qabiilka iyo kala duwanaanshaha gobolka uu qofka ka soo jeedo. Waxaa nasiib darro lumay fahamkaas Soomaalinimada dareenka iyo soo jiidashadii uu lahaa kadib markii dowladnimada si lid ku ah Soomaalinimada loogu isticmaalay. Guud ahaan, Dowladda Soomaaliya maadaama ay tahay midda kaliya ee si sharci ah u matasha danaha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waa in ay horumarisaa mabaadida Soomaalinimada iyo isu soo dhowaanshaha bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Sidaas awgeed, waxaan dhisi doonaa hay’ad dowli ah oo u adeegta jinsiyadeynta Soomaalida qurbaha ku nool iyo dib u dejintooda, iyadoo ujeedada keliya ee hay’adaasi ay tahay caawinaadda Soomaalida qurbaha ku nool iyo kala shaqeynta horumarintooda taasoo gacan ka geeysaneeysa dib u dejintooda iyo haqabtirka baahida shaqaaleyntooda marka ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Xukuumada Soomaalida ee aan hogaamiyo hadii Allah ka raali noqdo  waxay wada hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ka dhigi doontaa mid sarreeysa oo mudnaan leh, isla markaana waxay xal waara u raadin doontaa arrimaha la isku hayo iyadoo la qaadayo talaabooyin waaqici ah oo labada dhinacba faa’ido u leh si loo dhayo boogihii cadaalad darrada ee hore islamarkaana la wanaajiyo xiriirka bulsho-dhaqaale ee u dhaxeeya labada gobol.

Waxaan xuli doonaa dad aqoon iyo garasho u leh taariikhda arrimaha la isku haysto si ay u baaraan waxyaabaha lagu kala duwan yahay, islamarkaana kalsooni kasban kara labada dhinac, sidoo kalena si macno leh ula xaajoon kara dhinaca kale si ay u gaaraan xal waafi ah iyo qorsho lagu gaaro dib u eegis heshiis bulshadeed si ugu dambeyntii ay dib u midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaan si daacad ah u aaminsanahay inaysan waqooyi iyo koofur midna goonideeda u istaagi karin sida dowlad rasmi ah looga bartay, oo ay u baahan yihiin in ay dib u midoobaan si ay dib ugu soo wada ceshaan karaamadii iyo sharaftii dowladnimo.   Waxaan si adag uga shaqeyn doonaa soo celinta Somalinimada, sare u qaadida walaaltinimada u dhaxaysa Soomaalida dhexdooda si loo soo afjaro khilaafaadka micna darrada ah, loona dhexgalo bulshada si loo xoojiyo wada shaqeynta, loo ixtiraamo kala fikir duwanaanta, islamarkaana loo arko kala duwanaanshaha mid faaido u ah wadajirka umaddeena. Waa in Soomaalida ku kala duwan lahjadaha, muuqaalka, dhaqanka iyo weliba asaaskooda bulsho raali laga wada noqdaa, la karaameeyaa, islamarkaana sharciga loo wada sinnaadaa.

Sida ku qeexan dastuurka anigana aan shakhsi ahaan aaminsanahay marna xukuumadeeyda ma aqbali doonto wax muujinaya ama si toos ah ama si dadban ugu xadgudbaya shareecada islaamka.   

Xukuumad La Wada Leeyahay  

Waxay Afrika sida Asia iyo Latin Amerika dhaxashay talisyo gumeysi oo caburin badan, kuwaasoo isticmaalayay awood ay shacabka ku aamusiyeen, iyagoo weliba dhinaca kale nolol haqabtiran siinayay inta yar ee xukumadda ka ag dhow. Nasiib darro, waxay xukuumadahaas iyo kuwa kale weli tixraacayaan casharadaas oo ay ka qaateen xukuumadihii gumaysiga, waxayna weli si khaldan u isticmaalayaan awoodaha dowladda si lid ku ah shacabkooda, iyagoo markaas abuuraya cabsi sababaysan oo laga baqaayo awoodda dowladda dhexe oo isticmaaleeysa hayadaha dowliga sida nabadsugidda, iyo kuwa amniga. Tani waxay abuuraysaa inuu shacabka si baahsan uga caga jiido dowladnimada iyo abuuritaanka ciidan qaran, taasoo curyaaaminaysa helitaanka qaran awood leh. Taas bedelkeeda waxay taariikhda Islaamka oo ay in badan oo siyaasiyiinta maanta jira iska indho tirayaan casharadeeda in si loo helo bulsho cadaalad ah in aanay madaxdu muujin islaweynaan oo dadka dhageeystaan si hoggaanku u noqdo mid dadka u furfuran, iyo sidoo kale in looga daydo nidaam canshuureed haqabtiraayey baahida shacabka saboolka ah.  Nidaamyada caawinaada dhaqaale ee wadamada Galbeedka ee Demoqraadiga ah oo ay in badan oo Soomaali iyo qaxooti badanba ay ka faa’idaan waxay laf dhabar u yihiin dhisida bulsho xanaano iyo is daryeel ku dhisan oo caadil ah. Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya leedahay suurgalnimada in ay is quudiso, oo ay dhowrto xuquuqda kuwooda tabarta daran, sida waayeelka, naafada, agoonta iyo carrurta islamarkaana ay hay’ado samafal ka furto dalka meelo badan iyo dibaddaba. Tani waxay dhici kartaa oo keliya markii ay dunida aragto in ay hoggaanka qabatay xukuumad karti leh, islamarkaana ay dadweynuhu u jeesteen hawlqabad iyo dhismo dal leh warshado marka hore dadkeena quudiya, kadibna wax soo saarkeena beeraha, xoolaha, kaluunka, saliidda iyo khayraadka dabiiciga dibadda loo iibgeeyo. Waxaan aad uga shaqeyn doonaa inaan aasaaska u dhigno inay Soomaaliya joojiso qaadashada gargaarka degdega ah oo ay noqoto mid iyada caawinaad siisa wadamo kale haddii Allah ka raali noqdo. Waxaa la wada ogssoon yahay in qarningii la soo dhaafay iyo ka horba ay Soomaalidu gargaar u fidin jireyn dadyowga saboolka ahaa ee bariga dhexe iyo qaaradda Afrika. Soamaaliya awood bay u leedahay haddii ay israacdo oo meel u wada jeesato in ay Africa iyo caalamkaba hogaamiso. Hase ahaatee waa in dadaalkaas aan anaga bilownaa. Allah Swt wuxuu yiri: Allah ma badelo xaaldda qowmiyad ama dowlad ilaa ay dadkaasi iyaga la yimaadaan dadaalka oo Allahna barakeeyo.  “إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ“

Dowlad Wanaag

Waxaa intaas dheer inay xubnaha xukuumada ay noqdaan kuwa xilsaaran yahay, oo aragti gudbiye ah, welibana cid kasta u furfuran, islamarkaana ay marwalba dadka la socodsiiyaan arimaha muhiimka u ah caawinaada dadweynaha iyo gaar ahaan amniga shacabka.   Waa in dadka xog ogaal laga dhigaa si ay ula socdaan dadaalada xukuumada iyo heshiisyada ay xukuumada la gasho hay’adaha gudaha iyo dibadda ee saamaynta ku leh horumarinta bulshada. Marka laga reebo arrimaha qaranka ee muddo kooban loo arko inay sir qaran yihiin oo ay maxkamad amniga qaranka ogolaatay —dhamaan arimaha xukuumadda waa in laga dhigaa wax la wada og yahay si la isula xisaabtamo, baaritaan iyo dabagalna ay ku sameyn karaan wargeeysada. Waxay xukuumadayda hubin doontaa inay dadka lagu wargeliyo dhammaan natiijooyinka socdaalada dibadda, balanqaadyada iyo heshiisyada sida ugu dhaqsiyaha badan marka socdaalada dibadda laga soo laabto. Heshiis walba ee lagalaa waa in uu leeyahay bilow iyo dhamaad uu hadduu qabsoomi waayo la ogaado sababta uu la qabsoomi waayey. 

Maamulka xukuumadayda waxay aaminsan tahay difaaca xuquuqda saxaafadda madaxa banaan oo ay si xor ah uga hawlgalaan dalka oo dhan. Waxaa kaloo muhiim ah in sare loo qaado xirfadda saxaafadda oo aqoonta suxufiga sareeyso si warbaahintu u noqoto mid haqabtirta baahida bulshada. Xukuumaddeeydu waxay xuli doontaa warbaahin xirfadeysan oo la shaqeysa xukuumadda, taasoo u madax banaan awoodna u leh inay baaraan islamarkaana wax ka sheegi karaan isticmaal xumada xukuumada ee kheyraadka dalka iyo weliba xadgudubyada kale ee dastuuriga ah. Warbaahinada kale ee dalka ka jira waxay xor u yihiin inay soo wariyaan macluumaad dhab ah ama lid ku ah xukuumada balse waa in la hubiyaa in xirfadda warfafiinta iyo nidaamka isla xisaabtanka labada dhinacba (dowladda iyo saxaafadda)  ay aad u sareyso.

Xiriirada Dibadda

Dhisidda xiriiro loo siman yahay ee dhexmara dowladaha waa mudnaan qaran si loo xoojiyo sumcadda aan caalamka ku leenahay, iyo in la hagaajiyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta dalka. Hogaamiyayaasha kartida leh sideedaba waa in niyadda ku hayaan maslaxadaha soo cusboonaaday ee ay wadamada Galbeedka, Aasiya, iyo kuwa Bariga Dhexe ka leeyihiin Geeska Afrika. Khatar ayaa ku imaanaysa qaranka Soomaaliya mar walba oo uu hogaamiye qaran la safto dalal shisheeye oo baratan iyaga ka dhaxeeyo si aan ku jirin maslaxadda qaranka, islamarkaana uu si buuxda la hayste ugu noqdo oo ay labadiisa gacmood ka xirmaan inuu si mug iyo saameyn leh wax ugu qabto ugana miro dhaliyo maslaxada qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan u ballanqaadayaa shacabka Soomaaliyeed inaan hada xor ka ahay mustaqbalkana aan xor ka ahaan doono hadduu Alla yiraa nidaam kooxaysi (dalka gudahiisa) oo dastuurka baalmarsan iyo metelaad quwado daahsoon oo shisheeye oo si toos ah ama si dadban saameyn ugu yeelata habmaamuuska qaranka Soomaaliyeed.  Waxaan Soomaaliya u arkaa dal Allah ku manaystay kheyraad dabiici ah iyo macaadin, kaasoo u horseedi kara in dalku siyaasad iyo dhaqaale ahaanba dego haddii gacmo xasiloon ay awoodda dalka qabtaan. Waxa uu maamulkayga sii wadi doonaa mashaariic horumarineed iyo iskaashi ganacsi madaxbanaan, oo islamarkaas xor ka ah faragelin koox sokeeeye ah ama dalal shisheeye. Soomaaliya waxa ay ku xoroobi kartaa marka hogaankeedu isku kalsoon yihiin, oo ay aaminaan suurtagalnimada inay sharaftii hore soo noqon karto oo cadaalad lagu kordhiyay. Tani waxay markaas keeni doontaa inay Soomaaliya noqoto qaran madax banaan oo salfadhiya, islamarkaana diyaar u ah inuu si mug leh uga qeyb qaato nabadaynta iyo horumarinta Geeska Afrika iyo meelo ka sii fog.

Ugu dambeyn, waxaan dadka Soomaaliyeed u ballanqaadayaa inaan aniga iyo maamulkayga uu:

Ø  sharfo, ixtiraamo, isla markaana karaameeyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliga ah

Ø  ilaaliyo islamarkaana ay ku joogo dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka

Ø  awoodda dastuuriga ah ka xayuubin qaybaha kale ee dowladda ee ka madaxa banaan fulinta

Ø  mas’uuliyadda u gudato si sharaf iyo maamuus leh, isla markaana aragti-fog gudbiye ah

Ø  soo xulo dadka ugu kartida aqoonta iyo waaya aragnimada badan inay maamulka ku soo biiraan

Ø  la shaqeeyo maamul-goboleedyada sida ku cad dastuurka, iyadoo weliba loola dhaqmayo si ixtiraam iyo xushmad leh

Ø  kala sooco hawlaha dowladda federaalka loo igmaday iyo midda maamul goboleedyada, iyadoo ay sida dastuurka waafaqsan ay xaq u leeyihiin maamul goboleedyada inay raadiyaan maslaxadooda dalka gudahiisa iyo dibeddisaba  

Ø  marnaba lagu xadgudbin jiritaanka iyo masuuliyadaadka maamul goboleedyada, sidoo kalena iyagana looga fadhiyo ixtiramaaka maamulka federaalka. 

Ø  Soo celiyo isticmaalka shilin Soomaaliga oo ay noqoto lacagta laga isticmaalo dalka oo idil oo laga fogaado isticmaalka lacagaha dowladaha dersika iyo dollarkaba

Ø  sare u qaado ka qeybgalka haweenka 30%, dhalinyarada iyo kooxaha laga tagay oo aan ku soo daro maamulkayga

Ø  kaalmeeyo dugsiyada quraanka loona fidiyo taageero manhaj iyo tababr macallin oo aan khasab ahayn, sare u qaadida waxbarashada guud iyo midda gaarka loo leeyahay, islamarkaana shaybaarro caafimaad lagu baahiyo dalka oo dhan 

Ø  la dagaalanno qabyaaladda iyo qaraabakiilka ka jira xukuumada gudaheeda iyo macaamisheeda

Ø  dhiso guddi la dagaalama musuqmaasuqa iyo qaraabakiilka, iyadoo shacabka laga dhaadhicinayo khatarta ay u leeyihiin burburinta maamulka iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed

Ø  dhiso ciidan qaran, iyo boolis si loo helo sharci iyo kala dambeyn, iyo weliba nidaam garsoor aanan dhinac u janjeerin oo ay garwadeeno ka yihiin garsoorayaal karti leh, maxkamado iyo mid dastuuri ah taasoo ahmiyad siinaysa sarreynta sharciga.

Ø  Ixtiraamo barnaamijka doorashooyinka qaranka, xukunkana si sharaf leh ugu wareejiyo cidda iga xigta oo shacabku doortaan.

Soomaalidu waxay dhisan kartaa qaran shaqeynaya oo dadkiisu nabad ku wada nool yihiin, sidoo kalena deriskeeda nabad kula nool, islamarkaana wanaajin karta tayada nolosha shacabkeeda iyadoo weliba dib u soo ceshanaysa sharaftii iyo karaamadii uu qaranka Soomaaliya caalamka ku lahaa. Kalsoonidaada iyo taageerada Alle SWT haddaan kasbado, waxaan doonayaa inaan ku shaqeeyo mabaadi’daan aan kor ku soo xusay haddii la igu sharfo fursad aan dalka ugu adeego.

ؤالله علي ما اقول وكيل                   

   Hawl, Hiigsi, Haybad iyo Horumar

  www.drabdinurforpr

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *