MD Farmaajo oo Khudbad ka Jeediyey daahfurka Taakulaynta Ciidanka. 8-da Luulyo oo noqotay maalin taariikhda gashay 

Hees Wadani ah -Alla Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh Ummad waliba Aayaheeda inay garato iyadaa leh

Related image

Axad July 9, 2017| Arlaadi Online 

Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaaj ayaa caawa ka jeediyay shirka taageerada ciidanka qaranka Soomaaliyed khudbad taariikhda gashay iyada oo maalinta 8- Luulyo ay noqon doonto maalintii ay Ummadda Soomaaliyed oo uu horkacayo Madaxweynahooda go’aan-sadeen inay isku tashadaan ciidan-koodana dib udhistaan.

Taliyaha ciidanka dalka ahna Madaxweynaha ummaadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa u magacaabay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan inay madax u noqdaan gudigga taakuleynta Ciidamada qaranka. Gen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Guddiga halka Sheekh Nuur Baaruud  loo magacaabay guddomiye ku xieegnka Guddigaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddigga hadiyad ahaan u siiyay kitaabka quraanka kariimka ah, wuxuuna kula dardaarmay inay dar ilaahay u gutaan masuuliyadda qaran ee loo magacaabay. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Soomaali isku tashato oo yeelato ciidamo difaaca jiritaanka iyo qaranimada dalka, hadeey ahaan lahayd dhulka,cirka iyo Badda.

Madaxda Soomaaliya ee maanta waxaa ka go’an dib usoo celinta karaamadii iyo sharaftii Ummadda Soomaaliyed sidaa darteed waa in qof walba oo Soomaaliyed dal iyo dibad uu xil dheeri ah iska saaro taakulaynta ciidnaka u dhaawacmaya una dhimanaya sugida Amaanka dalka.

Waxaad qorataan oo lacagta ku dirtaan lambarada ku qoran video-gaan, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu isagu Madax u yahay guddiga shaqadana u wakiishay oo madax uga dhigay laba Muwaadin oo sumcad iyo ixtiraam ku dhex leh ummadda Soomaaliyed.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.