Must read| Haddii miisaan la saarro go’aamada Madaxda, waxaa kuu soo baxaya go’aan xumi. Maxaase ka dhalan kara sida ay dawladda federaalka ah ula Macaamilayso Jubaland? Jawaabta waxaa ku haya Dr. Abdurahman A. Noor Sulub

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Must read| Haddii miisaan la saarro go’aamada Madaxda, waxaa kuu soo baxaya go’aan xumi. Maxaase ka dhalan kara sida ay dawladda federaalka ah ula Macaamilayso Jubaland? Jawaabta waxaa ku haya Dr. Abdurahman A. Noor Sulub

September 23, 2019| Arlaadi Online

Image result for Dr Sulub

8 hab oo go’aan wanaagga lagu qaato Madaxdeennu ma raacaan mana yaqaanniin. Kuwaasoo ah:

Image result for leaders and decision making

1. Xaddidaadda mushkilada (identifying the problem),
2. Ahdaafta la rabo in la gaaro (the objectives to reach),
3. Xalalka aad haysatid ee ugu fiican oo ku gaarsiinkara hadafkaaga ama ahdaaftaada (best alternatives),
4. Waxa ka dhalankara go’aan kastoo aad qaadato (consequences),
5. Wax isu dheellitir iyo isu miisaanid (trade offs)

3 da kale mar kale ayaan wax ka orandoonaa idanka eebbe.

Image result for leaders and decision quotes

5 taas qodob aan tusaale ka bixiyo: Federaalka iyo Jubaland.
Su’aal: maxaa dawladda federaalka ah iyo Jubaland la kala siiyaa?

1. Waxaad ka soo qaaddaa in mushkiladda Jubaland haysataa ay tahay cadaalad darri doorashadii ka dhacday (the problem).

2. Dawladda federaalku waxay rabtaa in cadaalad la helo (the objective).

3. Dawladda waxay xal ku gaartay in cunaqbatayn lagu soo rogo xukuumadda iyo shacabka Jubaland oo ayan u ogolaan wax gala (alternative).

4. Maxaa dhicikara? In madaxda Jubaland caradeedu gaarto in ay yiraahdaan “Soomaaliya waan ka baxnay sida Somaliland.” In ay yiraahdaan “keenyaan ku darsannay” iyo wax kaloo aan la garankarin (consequences).

Su’aal: Xalkii ay dooratay dawladda federaalku ma u xaqiijiyey in ay ku gaarto hadafkeedii? Mase kala fogaanshuhu wuu sii weeynaanayaa?

Haddii dadka Jubaland deggen u qaybsamaan kuwa rumaysan in Dowladda federaalku waddo caddaalad iyo kuwa rumaysan in Dowladda federaalku dulmi iyo faragelin waddo, ma gaareen hadafkoodii?

5. Dowladda federaalku hab miisaaman oo isu dheellitiran ma u isticmaashay isbeddelka ay rabto?

Dawlad dadkii ku kala qaybsameen oo qaar u arkaan in dawladdu ahdaafteeda lacag u adeegsanayso, nidaam dheellitiran haleelimayaan weligood.

Faragelinta dawladda federaalka ah dadka qaar waxay u arkaan “federaal diid”.

Hoggaamiyuhu waa go’aamadiisa.

Tixgelin 

W/D. Dr. Abdurahman A. Noor Sulub

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *