Must watch Daawo: Dooda Qaran iyo Ambassadar Maxamed Jaamac oo ku fikir noqday Dr. Sulub oo horey u sheegay in “dib-u-heshiisiintu” ay ka horreyso dhisidda ciidamo qaran”.

Must watch Daawo: Dooda Qaran iyo Ambassadar Maxamed Jaamac oo ku fikir noqday Dr. Sulub oo horey u sheegay in “dib-u-heshiisiintu” ay ka horreyso dhisidda ciidamo qaran”.

Khamiis December 28, 2017| Arlaadi Online

Ambassadar Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa kasoo qeybgalayaasha dooda qaran ee ay soo qaban qaabisay xaruunta talo soo jeedinta Soomaaliyed ayaa yiri “Soomaaliya dib u heshiisiin ayay u baahantahay, hadaan dib uheshisiin la helin Askar lama qoran karo kalsoonina lama heli karo, kalsooni hadaan la helina iskuma dari kartid dadka, dalna dadkiisa oo mideeysan ayaa dhisa, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay dib u heshisiin dhab ah oo wax walba oo kale laga hormariyo”.

Waa xaqiiq sida uu sheegay Ambassador-ka in Soomaaliya ay u baahan tahay dib uheshisiin dhab ah. “Waxaa iyadana xusid mudan in halku dhiga dowlada Farmaajo u bilowgii hore ahaa dib uheshisiin iyo dib u dhis”.

Dhinaca kale Dr. Abdurahman A. Noor Sulub qraaga Buugga Qawaaniinta 56 da ee Hoggaaminta (56 laws of leadership) ayaa qaba in ay Soomaaliya u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah (real reconciliation). Wuxuuna ku baaqay in hadda la bilaabo isaga oo yiri “dib-u-heshiisiintu” way ka horraysaa dhisidda ciidamo qaran”.

Xarunta tala soo jeedinta Soomaaliya iyo Madasha Talo-Wadaag ayaa maalmahaan ka waday magaalada Muqdisho talo ururin iyo isku keenida qeybaha kala duwan ee bulshada. Dadkii kale ee maanta ka hadlay dooda qaran waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dastuurka Avv. Xoosh Jibriil.

 Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *