Must watch| Mahdi Guuleed oo Eedeeyn aan sal lahayn u jeediyay Guddoomiye Abdi Hashi kuna tilmaamay in uu yahay “HOGGAAMIYAHA MUCAARADKA” isla markaana ka been sheegay Mowqifka Abdi Hashi ee doorashadii la isku hayay. Si gaar ah u dhageeyso laga bilaabo daqiiqada 11-aad.

Arlaadi Online - Post | Facebook

November 8, 2020| ARLAADI ONLINE

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka JFS Mahdi Guuleed oo bixiyay Wareeysi lagu tilmaami karo in uu ahaa Below the Belt.

Mahdi ay yiri “Waxaan ogahay Cabdi Xaashi inuu yahay qofka kaliya kasoo horjeeday ee Ma’suuliyiinta dowaldda in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, diidayna in dalkaan ay shacabka go’aansadaan Masiirkooda, wuxuu mabda’iyan Aaminsanaa doorasho Qof iyo Cod ah inaan la qaban karaynin, dalkana ay ka dhacaynin , loona baahan yahay HESHIIS SIYAASADEED”

Mahdi Guuleed oo warka sii wata ayaa ku sheegay Mudane Cabdi Xaashi in u ahaa “HOGGAMIYE MUCAARAD AH”. oo sida uu yiri Wiiqay Awoodii Sharci Dajinta. Si gaar ah u dhageeyso laga bilaabo daqiiqada 11-aad.

Hadalka Mahdi Guuleed ee ah in Guddoomiye Abdi Hashi uu ahaa Mas’uulka kaliya ee sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda Sax ma aha. Ra’iisul Wasaarihii hore ee JFS Mudane Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale qabay in aysan dalka ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah oo ku dhacda waqtigeeda, waana sababta markii dambe uu xilkiisa ku waayay, weliba sifo Sharci daro ah.

Mahdi kama run sheegin arrinta dhabta ah ee la isku qabtay, taasoo ah in aysan dhicin mudo kororsi, waxa ay diideen Cabdi Xaashi iyo Xasan Cali Khayre ma ahayn in ay dalka ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, ee waxa ay diideen in ay dhacdo Mudo Kororsi sharci daro ah iyo in dalka uu galo qalalaaso. Arlaadi

Video: Horufadhi Media

Faalada: Arlaadi

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *