Must watch Video| (Nation building in Somalia). Prof Axmed Ismaaciil Samatar “Siyaasadu haday kaa xumaato wax walba oo kale ayay rad xun ama Aafo ku yeelanaysaa.” + Hadalkii la yaabka lahaa uu Maxamed Siyaad Barre ku yiri Dr. Osman Hashim Ergeygii UN-ka ee Soomaaliya 1989. Daqiiqada 45-aad

March 31, 2019| Arlaadi Online

Cashar muhim ah oo ay tahay inay qaataan Madaxweyne Farmaajo, RW Khayre iyo siyaasiyiinta Soomaaliya.

Prof. Samatar oo sheegay in gurigiisa ugu yaraan ay yaalaan Lix kun (6,000) oo Buug ayaa yiri Siyaasadu ma aha waan guulaystay iyo waa lagaa guulaystay balse waa xiriir wada shaqeeyn, wada la- haasho oo u dhaxeeya labada dhinac.

Waxaa khalad ah oo meelna aan lagu gaarayn siyaasada ay Soomaalidu ku dhaqanto ee ah (Winner takes all) gaar ahaan Madaxda Soomaaliya ee xilligaan.

Madaxda Soomaaliya oo inta badan aan lahayn Aqoon ku filan ayaa hadana isla weyn oo aan ka faaideeysan Aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Prof Samatar oo lecture ka bixiyay Madal Aqoon is waydaarsi oo uu la yeeshay Dhalinyarada Somaliland ayaa yiri “Hadii ay siyaasadu xumaato Dal, Dhaqan, Dabeecad iyo Dhaqaale midna lama dhisi karo, marka dambena siyaasadu waxay ku dhamaan (Civil war).

Professor-ka ayaa sidoo kale sheegay In siyaasadu tahay the master science-ka isku haya Dhaqanka, Dhaqaalaha, Dowladni-mada, Dadka iyo Degaanka, “Soomaali hadaan nahayna maba aynaan fahmin siyaasadu waxa ay tahay.” Prof Samatar

Video: HCTV

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *