Muxuu dhibsaday la Taliyaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ee dhinaca Amniga Cabdulaahi Lesto?

Isniin June 19, 2017| Arlaadi Online 

La taliyaha Madaxweynaha Koonfur galbeed dhinac Amniga iyo arimaha bulshada Cabdulaahi Maxamed idiris lesto ayaa si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur galbeed ee dhaliila Maamulka Shariif Xasan ee ka Arimya Baydhabo iyaga oo ku tilmaamay Shariifka Kaligii talis.

Mudane Lesto ayaa ku dhaliilay dadka doonaya Isbaddal siyaasaded oo ka dhaca Koonfur galbeed kuwa doonaya sida uu sheegay burburinta Maamulka, Nabada iyo horumarka ka Wada Deegaanada Koonfur galbeed, hadalka kasoo yeeray Lesto ayey dad badan noo sheegeen inuu yahay mid xaqiiqada Aad uga fog iyaga oo sido kale tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay waqtigii Mucaaradka loogu goodin jiray inay buruburinayaan Nidaamka dhisan.

Lesto wuxuu ka codsaday siyaasiyiinta una sheegay in loo ogol yahay inay u tartamaan Madaxweynaha Koonfur galbeed marka uu dhamaado wakhtiga Nidaamka hada dhisan.

Wuxuu yiri “Hadii aan nahay siyaasiinta Koonfur galbeed ma ogolaan doono burburinta dowlada Koonfur galbeed waxaan u sheegaya qofkasta oo doonaya in dowladan uu xil ka qabto waa inuu soo maraa Baarlamaanka sharciga ah ee Koonfur galbeed isagoo waliba la soo dhaweyn doono”.

Mudane Lesto wuxuu ilaabay inuusan jirin Baarlamaan Tayo leh oo shaqeeya, Koonfur galbeed kama jiro wax lagu tilmaami karo Baarlamaan, hadii sidaa la yiraahdana waxay ceeb ku tahay Nidaamka dowladnimo. Sidaaso ay tahay Maamulka Arlaadi.net waxay soo dhaweynayaan magacaabista Mudane Lesto loo magacaabay La taliyaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ee Amniga iyo arimaha bulshada.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides. 

Arladun@hotmail.com