Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala soo laabtay Imaaraadka?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala soo laabtay Imaaraadka?

Arbaco April 12, 2017| (Arlaadi Oline) Xogta laga helayo kulamadii dhexmaray Madaxda labada dowladood aya sheegaysa in Imaaraadka uu dowladda Soomaaliya u balanqaaday lacag dhan 15 Milyan oo doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda bil kasta, taasoo qeyb ka mida lagu bixinayo mushaarka ciidamada.

Dhinaca kale Imaaradka aya abaaraha Soomaaliya ku bixinaya lacag dhan 100 Milyan oo Dirham taasoo ololaheeda ay Bisha Cas ee dalkaasi bilowday.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dal ay isku af garteen in midnimada Soomaaliya iyo dhulkeeda ay lama taabtaan yihiin.

Ma jiro war-murtiyeed wadajir ah oo soo baxay, isla markaana ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Imaaraadka Carabta.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *