Puntland oo noqotay Maamul goboleedkii u horreeyay oo taageeray Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland

August 13, 2019| Arlaadi Online

War qoraal ah oo goordhow ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu taageeray Xildhibaanada cusub ee xalay ay soo xuleen Guddiga doorashada Jubaland.

Qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in hanaanka soo xulista Xildhibaanada ay u dhacday si xor oo xalaal ah, iyadoo Shacabka looga dalbaday iney maamulka la shaqeeyaan.

“Dowladda Puntland waxay u hambalyaynaysaa Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadinaysaa sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka maamulka Puntland:

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides