Qatar oo sheegtay inaysan aqbali karin Shuruudaha  la hordhigay, wadahadal se diyaar u ah

Qatar oo sheegtay inaysan aqbali karin Shuruudaha  la hordhigay, wadahadal se diyaar u ah

Wasiirka arimaha dibadda Qatar oo sheegay in shuruuduhu xad gudub ku yihiin madaxbannanida Qarankiisa

Sabti July 2, 2017| Arlaadi Online 

Wasiirka arimaha dibadda dalka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu aqbali karin eedaymaha loo jeediyay iyo shuruudaha la hordhigay, balse wuxuu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka labada dhinac.

Iyadoo ay maalin keli ahi ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalka ay horkacayaan Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ayaa wasiirka arimaha dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah. Berri oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey.

Hase yeeshe ilaa hadda, Qatar si cad uma aysan muujinin inay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xiray habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar. Laakiin Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *