Sheekh Xasan Al-Basri oo afar arrimood ku soo koobay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo badan ugu lahayn iyo sirta ku jirta? Nasiixa dadka oo dhan faaido u leh gaar ahaan siyaasiyiinta Soomaaliya

May 4, 2018| Arlaadi Online

Image result for nasiixa

Sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysay Nebiga (scw), ayaa maalin waxaa u yimid nin waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo badan ugu lahayn sirta ku jirta?

Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay sidan:-

1- Waxaan ogaaday in risqigayga cidna iga qaadan karin, markaa qalbigaygu wuu degay oo xasilay.

2- Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameyneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay.

3- Waxaan ogaaday in allaah (sw) i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.

4- Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aan dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka rabbi.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan muhimka ah.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.