Skip to content
Sidee hoggaamiyuhu farriintiisa (communication) u gudbiyaa? Dr. Sulub
Sidee hoggaamiyuhu farriintiisa (communication) u gudbiyaa? Dr. Sulub
Talaado August 01, 2017| Arlaadi Online
Hoggaamiyuhu farriinta uu gudbinayo waa inay waafaqsantahay aragtida uu higsanayo (vision) , risaalada uu gudanayo (mission) , mabaadi’da iyo qiyamka uu rumaysanyahay (principles & values) , iyo ahdaafta uu rabo in isaga iyo dadkiisu gaaraan (goals) .
*Inta uusan farriintiisa hadal iyo qoraal ku gudbin, Waa inuu dhagaystaa dadka uu hoggaaminayo baahidooda, cabashadooda, dareenkooda, afkaartooda iyo talooyinkooda. Hoggaamiye aan dhegeeyste fiican ahayn, farriin gudbiye fiican ma noqonkaro.
*Waa inuu ka taxadaraa erayada iyo luqada uu u adeegsanayo farriimihiisa.
*Waa in hoggaamiyaha afkaartiisa, aragtidiisa, hadalkiisa, iyo ficilkiisuba iswaafaqsanyihiin, oo ayan ahayn run, been, iyo munaafaqnimo isku jira.
* Waa inuu iska ilaaliyaa cayda, handadaada, kajamaadda, kibirka, iyo faanka..
*Waa inuu hoggaamiyuhu ku celceliyaa oo hadba si u sheego farriinta uu gudbinayo si dadku u gartaan oo ugu qancaan, oo ugu riyaaqaan qaymaha iyo waxtarka farriintiisa ka dhalankara. (The 56 Laws of Leadership book)
W/Q Dr . Abdurahman A. Noor Sulub
Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.
Asxaabtaada Facbeook U Sii Gudbi
Related
Post navigation