Siyaaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa Facebook ku qoray qoraal fasiraad badan laga bixiyay.

Jimco Luulyo 28, 2017| Arlaadi Online 

Abdirahman Abdishakur qoraalka hoose wuxuu kusoo xiray su’aal uu weeydiiyay shacabka Soomaaliyed, isagana waxaa hortaal su’aalahaan inuu kasoo jawaabo. Abdirahman Ma:

XIL-DOON MISE XOOLO-DOON?

XURMA-DOON MISE XAL-DOON?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa Murashixiintii u tartamay xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shalay bartiisa Facebook ku qoray qoraal ay dadka Soomaaliyed ka bixiyeen jawaabo kala duwan, qoraalkaas oo u qora sidan “Ma ogtahay in Soomaaliya tahay Dalka keli ee Baarlamaan aan Xisbiyo lahayn leh!!. Federaal aan Maxkamad Dastuuri ah lahayn leh!!. Madaxweyne la doortay uu ka awood badan yahay Raysalwasaare isagu magacaabay!!!. Amnigiisa ay AMISOM hayso!!. Ciidankiisu weli qabiil yahay!!. Dastuurkiisa qabyo qoorta isaga xiran yahay!!!. Masruufka maamulkiisa lasoo magan alaysto”.

Wuxuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur hadalkiisa kusoo xiray su’aal uu isweydiiyay isaga oo leh “Hadii ay jawaabtu haa tahay hawl adag ayaa inna hortaala ee aan dhabta wajahno, dheeshana joojino”.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.