Sodon sano kaddib SOOMAALIYA halkee ayay u socotaa? + HEESTA DOWLADNIMO, DALKEENU MARKUU BURBURAY MAXAAN DOWLADNIMOOY KU TABEY.  HOBOLDA WABERI. By Cali Jamac Jiraac

December 5 , 2019| Arlaadi Online

Sodonkii sano ee dhibka & rafaadka lagu jirey wuu dhamaanayaa bil ka dib ee Somaaliyeey maxaa noo dan ah. (Disembar 1990 – Disembar 2019). Dagaal sokeeye, Hogaamiye kooxeedyo, Maxaakiimtii islaamigga, Dowladahii kumeel gaarka & Dhalashadii nidaamka dowliga ah ee federalka.

Image result for soomaaliya"

Sida aan lawada socono September 2012 waxaa la doortay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud wuxuu raiisal wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Siyaasada arrimaha dibadda xiligii raiisal wasaare Saacid waxaa lagu tilmaamaa iney aheyd midii ugu xoogga badaneyd ee soo marta Somaaliya waxaana wasiir ka aheyd Marwo Xil Fawzia Yusuf Xaaji Aadan oo noqotey wasiirkii u horeeyey oo dumar ah oo wasaarada arrimaha dibadda wasiir ka noqota.

Kadib raiisal wasaare Saacid waxaa raiisal wasaare loo magacaabay Cabdi weli sheekh inkastoo xiilgii Cabdi weli ay yara gaabisey xowligii uu ku socodey maamulka Xasan sheekh taas oo ay sabab u tahay is qab-qabsi siyaasadeed inkastoo markii danbe u meesha ka baxay.

Waxaa yimid Cumar Cabdirashid oo horey u soo noqdey raiisal wasaare waqtigii kumaal gaarka. Intii Xasan sheekh joogey waxaa dhismey maamulka Goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Galmudug & Hirshabeele.

8-dii, February 2017 waxaa la doortey Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay shacabka Soomaaliyeed aad u soo dhaweyeen wuxuuna la yimid wax loogu yeero Isbedel doon oo markii danbe isu bedelay “Is Caburin & Demoqoradi la dirir”.

Sanadkii u horeysey madaxwayne Farmaajo aad ayey shacabka Soomaaliyeed u taageereen, hadaba meeshii la rabay inuu horey u socdo wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu bedeley wax aysan fileyn oo ah Caburin, Musuqmaasuq & Demoqoradi la dirir.

Sida aad lawada socotaan madaxwayne Farmaajo wuxuu raiisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre oo ah nin aan dan ka laheyn shacabka Soomaaliyeed oo ay howshiisu tahay “Dilaal, Musuqmaasuq & Ku tagri falka awooda Dowladnimo” (Abuse of power).

Golaha wasiirada xukuumadda Khayre waa xukuumaddii ugu liidatay ee soo marta Soomaaliya marka laga soo bilaawo dowladii lagu soo dhisay Carta Djabuti 2000. Isku soo wadda duub xaaladda guud ee dalka maanta ku sugan yahay sodon sano ka dib waxay la mid tahay meeshii uu taagnaa maalintii u burburey oo kale 1991.

Waxaa nasiib darro ah in Soomaaliya maanta ay usii siIqeyso Nidaamkii Dictatooriyada ama Keliteliska taasoo abuuri karta burbur & Isku dhexyaac siyaasadeed.

Waxaa la rajeynayaa 2020/21 doorasho iney dalka ka dhacdo walow ilaa & hadda aan la aqoon qaabka ay noqon doonto. Dhinaca Maamul goboleedyadda & nidaamka federalka aad ayuu u liitaa taas oo ay sabab u tahay maamulka Farmaajo oo ku fakiraya inuu burburiyo nidaamka federalka ee dalka ka jira.

Waxaan ilaah ka baryeynaa in dalka u helo Reformist leader 2020/21 inshallah. Dalkeygoow & Dedkeygoow horumar, Barwaaqo & hoggaamiye daacad ah. Soomaaliya ha nolaato 
Demoqoradiyadda ha noolaato Dictatorship-ka ha dhaco!!!

W/Qorey Mudane Cali Jamac Jiraac

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *