Somali People’s Party Statement on World Refugee Day. Xisbiga Ummadda oo soo saaray Bayaan ku Aadan Maalinta qaxootiga Aduunka oo sanad kasta la xuso 20-ka bisha June + World Refugee Day Special. TRT World

Somali People’s Party Statement on World Refugee Day. Xisbiga Ummadda oo soo saaray Bayaan ku Aadan Maalinta qaxootiga Aduunka oo sanad kasta la xuso 20-ka bisha June + World Refugee Day Special. TRT World

June 20, 2019| Arlaadi Online

Image result for peoples partyImage result for somali flag

 

Inline images 1

Statement by Ahmed Nuur Arlaadi, Interim Chairman of People’s Party of Somalia (PPS).

WE HAVE A COLLECTIVE RESPONSIBILITY TO PROMOTE AND PROTECT THE HUMAN DIGNITY OF ALL PEOPLE ON THE MOVE.

Waxaa maanta guud ahaan caalamka laga xusaayaa maalinta qaxootiga aduunka oo sanad kasta la xuso 20-ka bisha June. Sannad walba malaayiin qof ayaa lagu qasbaa in ay guryahooda ka qaxaan si ay u aadaan goobo iyo dalal Ammaan ah. Dadka qaxootiga noqda ayaa waxaa sabab u ah barakacooda dagaalo sokeeye, ama musiibooyiin dabiici ah.

Maalinta qaxootiga Addduunka ayaa waxaa loogu talagalay in ay noqto maalin wacyigalin ah oo caalamka lagu baraarujinyo dhibaatada qaxootiga ee ka jirta guud ahan dunida. Dalka Soomaaliya ayaa ka mid 5ta dal ee ay ka yimaadaan qaxootiga ugu badan caalamka. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in daqiiqad kasta ay 25 qof ka qaxaan goobihii ay daganaayeen iyaga u baxsada dalal ay ku badbaadi karaan.

Soomaaliya waa dal ay 30-kii sano ee ugu dambeeyay ka qaxeen dad badan kuwaasi oo qaxooti ku ah dalal kala duwan oo caalmka ah. Qaxootiga Soomaalida ayaa intood badan ku jira xerooyiinka qaxootiga ee dalka Kenya. Qaar ka mid ah qaxootigaan ayaa xerooyiinka ku noolaa muddo 30 sano ku dhaw. Carruurtii ku dhashay xerooyiinka ayaa caruur ku sii dhalay taasi oo muujinaysa muddada dheer ee ay xerooyiinka Dhadhaab ku jireen.

Haddaba iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta qaxootiga adduunka ayaa waxaa intii muddo ahba taagnaa khilaaf u dhexeeyay qaxootiga xerooyiinka Dhadhaab iyo bulshada martigelisay qaxootiga ee Kenya. Si loo soo afjaro dhibaatada laga dhaxlay qaxootinimada iyo barakaca haysta Dadkeena waxaa muhim in Soomaaliya laga helo dowlad wanaag iyo cadaalad horseeda Nabad iyo horumar, taasoo ah mida uu u taagan yahay XISBIGA UMMADDA SOOMAALIYEED.

“Today, on World Refugee Day, we stand with people around the world who have been forced to flee their homes. We recognize their resiliency and courage, and come together as communities to support refugees and displaced people.

“People flee home when they have no other choice. Those of us who are more fortunate share a responsibility to help them find refuge and build a new life. Through education, children and young people living in refuge can lift themselves out of a cycle of poverty, live in a world where infancy death rates and malnourishment are significantly reduced, and live in countries free from conflict with established schools, trained teachers, and a safe learning environment. An educated population can have a significant impact on reducing the risk of conflict and contributes positively to a prosperous society.

The theme for World Refugee Day 2019 is #Step With Refugees — Take A Step on World Refugee Day. The theme focuses on that there is a need to take big and small steps in solidarity with refugees from around the world. The theme of World Refugee Day 2018 was “Now More Than Ever, We Need to Stand with Refugees”.

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *