SomaliaForReformistLeader2021.“Make Somalia Great Again”. + Heesta Waa Su’aal da’waynee Dalka Yaa iska leh? By Cali jamac Jirac

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

SomaliaForReformistLeader2021.Make Somalia Great Again”. + Heesta Waa Su’aal da’waynee Dalka Yaa iska leh? By Cali jamac Jirac

November 4, 2019| Arlaadi Online

Image result for calanka somalia"

Soomaaliya waxay u baahan tahay inuu hoggaamiyo Reformist leader. Hoggaamiyahaas oo wax walba ka hormariya danta guud.

Sodan sano waxaa ka harsan 2 bilood oo u dalka ku jiro dhibaato Siyaasadeed, mid Amni & mid Dhaqaale. 2021 sida la rajeynayo dalku wuxuu yeelan doonaa Madaxwayne cusub.

Hadaba si looga baxo dhaqan siyaasadeedka qaabka daran ee mudada dheer hortaagan siyaasadda dalka waxaa wanaagsan inuu dalka helo Reformist leader oo dadka iyo dalka gaarsiiya horumar dhinac walba ah oo ku dhisan “Sinaan, Cadaalad & Demoqoradiyad”.

Sida aad lawada socotaan maamulka hadda talada dalka haya ee uu hoggaamiyo madaxwayne Farmaajo waxaa soo martey fursad aad u weyn. Laakiin kama faaiideysan oo waxay shacabka Soomaaliyeed ugu abaal gudeen siyaasad qaab-daran oo dalka u horseedey Fashil & bur-bur siyaasadeed oo gaarey meeshii ugu xumeyd marka laga soo bilaawo 2012 markii la dhisey dowlad rasmiya oo caalamka aqoonsan yahay.

Haddaba fursada dahabka ah ee 2021 haddii alle yiraahdo waxaa wanaagsan inay noqoto mid aan lagu deg degin, waa in dhan walba laga eegaa qofka na hoggaamin doona nooca u yahay & qaab siyaasadeedkiisa.

Madaxweynaha imaan doona waa inuu noqdaa Reformist leader oo shacabka Somaaliyeed xaqooda u soo celiya taladoodana qaata.

Waa Su’aal da’waynee Dalka Yaa iska leh?

SomaliaForReformistLeader2021. W/Q. Aqoonyahan Cali jamac Jirac

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *