Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo ku faanaya waxqabadka Xukuumadii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Mudane Xasan Cali Khayre, iyaga oo furay Facebook ay ugu magac dareen #MarkaleMudaneFarmaajo #NabadIyoNolol

Arlaadi Online - Post | Facebook
August 29, 2020| Arlaadi Online

Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa waa ku ceeb gaar ahaan Madaxweynaha oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku taaageeray xil ka qaadistii sharci darada ahayd ee lagu sameeyay Kahyre, taasoo Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba la yaab ku noqotay.

Waxaa kale oo xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo uu mar walba ku faani jiray in uu Ra’iisul Wasaare u xushay Mudane Xasan Cali Khayre oo isaga ka fiican sid uu Madaxweynahu marar badan ka sheegay warbaahinta, haddana ugu dambeeyntii uu raali ka noqday sida qaabka daran ee loola dhaqmay Khayre.

Waxaase intaas oo dhan kasii daran in Madaxweyne Farmaajo uu hadda bilaabay in uu ku faano waxqabadka Xukuumadii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Khayre, kuna galo olole doorasho oo uu rabo in dib mar kale loogu soo doorto.

Image may contain: 1 person

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya

Image may contain: 1 person, suit

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *