Taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo badankood u wareegay dhanka Khayre. Duqbilow Kablow Farax oo bartiisa Facebook soo dhigay Barnaamij uu ugu magac daray “WE LOVE Khaire”. + Maxay tahay sababta keentay isbeddelka ku yimid taageerayaashii Nabad iyo Nolol?

Arlaadi Online - Post | Facebook

SEPTEMBER 29, 2020| ARLAADI ONLINE

Image may contain: 1 person, suit

Maxay ka dhigan tahay in Khayre musharraxnimadiisa soo mariyo baraha bulshada? - BBC News Somali

Nabad & Nolol – Afka Dowladda

Qoraalka Duqbilow ayaa u qornaa sidaan: “Inshallah la soco Mudaaharaad Loo qabanayo Mudane Hassan Ali Kheyre Iyo Taageerada Looga Hayo Gobalka Minnesota Ayaan Idiin Soo Badhigi Doonaa. Ha Mooganina Habeenka Axada Inshallaah”

Barnaamij la Dhaho “We love Khaire”. Live duqbilow page. live

Madaxweynaha Cusub Ee Nabad Iyo Nolol.

Aragtidayda.

Duqbilow oo ka mid ah taageerayaasha waaweeyn ee Nabad iyo Nolol ayaa markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre u wareegay dhanka Madaxweyne Farmaajo isaga oo ku kacsanaa Khayre.

Waxaase in badadn oo ka mid ah taageerayaashii Nabad iyo Nolol garabkii taageersanaa Madaxweyne Farmaajo uu isbeddel ku yimid markii uu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulay qorshihii doorashada ee ahaa Qof iyo Cod.

Taageerayaaasha Nabad iyo Nolol ayaa ka carooday tanaasulka uu sameeyay Madaxweynihii ay jeclaayeen ee Farmaajo iyaga oo ku Eedeeyay in uu KHIYAAMAY, sidoo kalena ku dhaliilay oo ku qabsaday sababta uu Khayre ula dagaalay, haddii uu ogaa in uusan ku adkeeysan doonin mowqifkiisii ahaa waxaan dalka gaarsiin doonaa doorasho Qof io Cod ah.

Taageerayaasha Nabad iyo Nolol ayaa hadda qaba in Khayre uu ka saxsanaa Farmaajo oo uusan KHIYAAMIN, mowqikiisa doorashadana uu si cad usii sheegay, halka ay qabaan in Farmaajo oo ay u haysteen GEESI in la khasbay isaga oo duleeysana uu saxiixay heshiis dalka looga qabanayo doorasho dadban oo ku saleeysan 4.5.

Marka laga reebo Duqbilow oo aan la isku haleeyn karin, haddana Taageerayaasha Nabad iyo Nolol waxay badankood qabaan in doorashada soo socota uu ku matelo Murashax Madaxweyne Xasan Cali Khayre.

W/D. Ahmed Arlaadi

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *