Talo ku socota Madaxweynaha sharafta leh ee Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni. Ahmed Nuur Arlaadi. Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,News In English,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Talo ku socota Madaxweynaha sharafta leh ee Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni. Ahmed Nuur Arlaadi. Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Image result for peoples partyImage result for somali flag

August 03, 2019| Arlaadi Online

Image result for saciid cabdulahi deni iyo Xildhibaan Cabdi Barre JibriilImage result for Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil

“Federalism isn’t about states’ rights. It’s about dividing power to better protect individual liberty.” Elizabeth Price Foley

“Socialism and federalism are necessarily political opposites, because the former demands that centralized concentration of power which the latter by definition denies.” Felix Morley

Mudane Madaxweyne,

Aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga siyaasadeed ee XISBIGA UMMADDA SOOMAALIYEED, iyo magacayga gaarka ah ayaan si farxad leh kuugu soo jeedinayaa hambalyo diiran oo ku Aadan munaasabada sanguuradii 21-aad ee kasoo wareegtay dhismihii Puntland.

Mudane, Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed wuxuu u taagan yahay kana shaqeeyn doona xoojinta Federal-iism-ka Soomaaliya iyo dowlad wanaaga, waxaan diyaar u nahay inaan Dowlad goboleedka Puntland ee Aad Madaxweynaha ka tahay kala shaqeeyno xoojnta Federal-ka iyo dowlad wanaaga.

Mudane Madaxweyne, si loogu guulaysto inuu najaxo nidaamka federal-ka loogana hortago nidaam keli-talis ah waxaa muhim ah in la uruuriyo dadka ay ka dhab tahay inaan laga leexan wixii ay Soomaali ku heshiisay, dalkana uu ka hirgalo Nidaam federal ah oo buuxa.

Hadaba waxaan Mudane Madaxweyne, si gaar ah kuugu soo jeedin lahaa Ex-Xildhibaan Mudane Cabdi Barre Jibriil oo kasoo jeedaa degaanada Puntland, horyna uga mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka, khibrad dheerna u leh arrimaha dowlada dhexe, haatana ka mid dadka ugu caanka ah ee Mucaaradsan qaabka ay wax u wado dowlada dhexe inaad u magacowada xil muhim ah gaar ahaan La-taliyahaaga Arrimaha Federal-ka ama u qaybsanah dowlada Puntland ee Arrimaha dowlada dhexe.

Mudane, si loo xoojiyo Federal-ka Soomaaliya waxaa khasab ah in la helo dad Karti leh oo difaaci kara ayna ka dhab tahay in uu dalka ka dhaqan galo Federal-ismka ay Soomaaliya ku heshiisay. Hadaba Mudane Cabdi Barre dadka sifahaas leh ayuu ugu horeeyaa.     

Ugu dameeyn Mudane Madaxweyne waxaan Dhammaan shacabka gaar ahaan Dhalinyarada Puntland la qabaa in Madaxweyne Saciid Deni uu yahay Shaqsigii ay u baahnaayeen Dadka Puntland in uu Hoggaamiyo.

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne guul buuxda oo ku wajahan gudashada Masuuliyada laguu igmaday iyo howshaan aadka u culus aadkana u qiimaha badan.

Allaha kula jiro Mudane Madaxweyne. Aamin.

Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed ee Puntland.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

your Profile Photo, Image may contain: 1 person

Ahmed Nuur Arlaadi

Guddoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *